Waxan Ahay Qof Dadka Kaalmeeya!

0
409

Hetty Green waxa ay ahayd islaantii ugu taajirsnayd dalka Maraykanka. Hetty Green waxay ku dhimatay bishii July 13, sanadkii 1916, iyadoo da’deedu tahay 81 sano, guriga wiilka ay dhashay ee ku yaallay New York. Waxa ay caan ku ahayd inay tahay qofk,a ugu bakhaylsan caalamka marka la eego dhaqankeeda iyo hantideeda waxaana lagu diiwaan geliyay buugga Guinness Book ee lagu diiwaangeliyo dadka la yimaadda ariimo cajiib ah.

Waxa ay dhimatay markii ay gabadh jaariyad ah oo akhlaaq wanaagsan oo u shaqaynaysay ay ku murmaeen caano aanay khafiif  ka dhigin. Sida uu dabaacay New York Times waxay u dhimatay markii dhiig kar halis ah ku dhuftay cadhadii ay ka qaaday sida aanay waxba u madhixnayn Jaariyadu, hantidana tasaruf ku luminayso.

Inkasta oo ay Green ahayd dumarka ugu qanisan taariikhda dunida, haddana xataa may lahayn gaadhi u gaar ah “private car”, iyadoo wax kasta u diidanayd heerka bakhaylnimo ee ay gaadhay.   Waxa ay aaminsanayd in laga fogaado raaxda iyo  nolosha wanaagsan waxaana uu ka mid aha arinkaasi qaynuunka nolosheeda, tan iyo markii ay u guurtay guriga wiilkeedana waxay u noolayd sida dadka saboolka ah iyadoo deganayd qol aad u yar oo xataa qof kale aanu la degi karin.

Hantida ay wakhtigaasi ka dhimatay waxa ay gaadhaysay inta u dhaxaysa $ 100 – 200 milyan oo doller, (oo wakhtigan u dhiganta $ 4.5 Billion doller). Waxaana lagu aasay xabaasha ninkeeda dhiniceeda oo ahayd magaalada Bellows Falls, Vermont. Labadii caruur ahaa ee ay dhashay ayaa hantideedii ku raaxaysaty intii ay iyadu ka ilaalisay nafteeda.

Inanteedii Sylvia waxay dhimatay sannadkii 1951, waxaana ay ka tagatay hanti lagu qiyaasay $ 200 million waxaana ay ugu deeqday $ 1.388,000 ilaa 64 jaamacadood, kaniisado, isbitaalada, iyo hay’adaha kale ee samafalka. Labada carruur ayaa lagu aasay meel u dhow waalidkood oo ku taalla xabaalaha Bellows Falls ee Maraykanka.

Leave a Reply