Maalqabeenada Daymaysan

0
431

Dalalka Carabtu waxay shidaalka soo saarayeen muddo ka badan 75 sanadood, welina waa sabool oo mid kasta waxa lagu leeyahay dayn dadkeeduna ma wada helaan baahiyahooda. Laakiin Khaliifkii Cumar Binu C/casiis (rc) markii uu xukunka muslimiinta qabtay , waxay  bulshadii noqotay hodan isku filaansho dhaqaale gaadhay. Iyadoo 2 sano iyo 5 bilood ay ku qaadatay inuu Amiirku inuu raadiyo dad baahan oo la siiyo sekeda laga soo ururiyay Muslimiinta.

Markii uu waayay qof muslin ah oo baahan oo la siiyo waxa uu yidhi odhaadiisa caanka noqotay “ Ku daadiya Midhaha Qamadida buuraha dusheeda , ilaa la odhan waayo shimbirkaasi wuxu dhulka Muslimiinta uga yimi gaajo”. Dadkii Markii ay isku filaadeen ayaa xayawaankii daryeeleen. Haddaba maxaa khaldan wakhtigan. (Safaxaat Mina Taariikh)

Leave a Reply