Caruurtii Caruusadaha Ahayd

0
407

Dalka Biligimka oo gumaysan jiray Jamhuuriyadda Congo ee qaaradan Afrika waxa uu ka mid gumaystyaashi sida xun ugu tuntay xuquuqda ummadihii gacanta u galay. Waxay ahaayeen kooxo aan naxariis lahayn oo dadka adoonsan jiray.

Waxa ay dalkaasi gumaysan jireen sida taaiikhda ku cad muddo 50 sano, iyagoo mudadaasi dilay dad tiradooda lagu qiyaasay 10 – 15 milyan oo qof.

Dhamaan bulshada dalkaasina waxa ay ku qasbi jireen inay soo ururiyaan macdanta birta ee dalkaasi ku badan iyadoo qofka aan xaddi badan keeniin caruurtiisa ay ciqaabi jireen, ilaa inta ay ka dhimanayaan.  Arinkani waa mid ka mid qaababkii foosha xumaa ee ay u gumaysan jireen qaaraddan cadaankii reer Yurub.

Sawirkan waxa la qaaday sanadkii 1955 , waxaana ka muuqda wiil yar oo African ah oo qafas lagu xidhay iyadoo aabaha cadaanka ahi uu usoo qaaday caruurtiisa si ay ugu ciyaaraan wiilkaasi yare ee miskiinka ah sida caruusadaha caruurta lagu maaweeliyo.

Leave a Reply