Ganacsiga Dunida Ee Yaabka Badan!

0
831

Shirkadda Ingiriiska ah ee British Hyman Leather waxa ay ka ganacsataa badeecooyin yaab leh oo aad qaali u ah. Kabaha sawirka ka muuqda qiimaha ay ku iibisaa waa $ 27000 halka beer.  Waa maxay sababta ay sidaasi qaaliga uga yihiin kabahani?

Kabhan ayaa la sheegay in laga sameeyo maqaarka qofka banii’aadamka 100%, saafi ah oo aan waxba lagu khaldin.  Shirkaddan Ingiriiska ayaa dadka inta ay nool yihiin ee aanay dhiman heshiis la gasha waxaaana ay  ka iibsataa maqaarkiisa ka hor dhimashadiisa, iyadoo la gasha heshiis sharci ay ka dhigaan oo isagana lacagtiisa lagu siinayo.

Qofkaasi marka uu dhinto waxa wakiiladiisu keenaan qolka meydka ee shirkadda halkaas oo dhaqaatiirta meydka ee shirkaddu hawshooda ku qabsadaan, intaasi ka dib meydka mar labaad waxa loo dhiiba ehelkiisa isagoo sanduuqa ku xidhan si ay u aasaan.

Shirkaddani ma iibiso oo keliya kabo ka samaysan maqaarka dadka, laakiin waxa ay ka ganacsataa koodhadh, Shaadhadh, surwaalo iyo koofiyado, dhammaantood ka samaysan maqaarka Aadamiga dabiiciga ah 100%. Macmiisha Shirkadda ayaa ah dadka maalqabeenka ah, dadka caanka ah iyo kuwa habeen iyo maalin ku baaqaya ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo qiyamka wanaagsan, kuwaasi oo xataa maydku xuquuqdiisa ku xadgudbaya.

Leave a Reply