Islaamihii Go’aanada Adkaa!

0
684

Islaanta ra’iisalwasaaraha ka ahaan jirtay dalka Ingiriiska sanadkii 1982 Miss. Margaret Thatcher aya la weydiiyay wakhtigaasi oo Ingiriisku diyaar u aha weerar uu ku qaado jasiirada Vocland oo ay isku hayeen dalka Aragantiin, sababta ay wada hadal ugu deyi weyday muranka ka dhexeeya labada ee dal ee ay u go’aansatay inay dagaal ku qaado. Waxaana ay ku jawaabatay :” Anagu sida carabta noqon mayno wax kastana wada hadal ku raadiya”.

Islaantii iyana Ra’iisawal wasaaraha Yuhuudda ahayd mudadii u dhaxaysay , 1969- 1974 , oo lagu magacaabi jiray  Miss.Golda-Meir, oo la sheegay inay asal ahaan ka soo jeeday dalka Ruushka gaar ahaan jamhuuriyadda wakhtigan lagu magacaabo Ukrain, ayaa iyadana lagu tilmaamay inay ahayd islaan adag oo halgankii Yuhuudda dawladda loogu samaynayay qayb weyn ku lahayd.

Jagada ra’iisal wasaaraha waxa loo caleemo saaray bishii March 17, sanadkii 1969. Isla sanadkaasi Bishii August 21, 1969 , nin Yuhuudi Australian ah oo lagu magacaabi jiray Michael Rohan ayaa Masjidka Aqsa gubay.

Islaantan iyadana saxaafadda ayaa weydiisay su’aash ah: ” Mudane. Rw, ma noo sheegi kartaa maalmihii noloshaada ugu naxdinta badnaa iyo  kuwii ugu farxadda badnaa?

Gold Meir waxa ay ku jawaabtay weedhahan : “ Waxa iigu naxdin badanaa maalintii anigoo xafiiska bilo kooban haya la gubay Masjidka Aqsa, waxa aan ka naxsanaa waxa ay Carabi samayn doonto maalinta ku xigta, maalintaasi!.

Waxaana aan ugu farxad badnaa maalintii ku xigtay markaan ogaaday in aanay Carabi wax halis ahba u arkin gubitaankii masjidka”. Waxaana ay Gold Mier dhimatay sanadkii 1978.

 

Leave a Reply