Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ka Hadashay Hirgelinta Waaxda Gaadiidka Badda iyo Xakameynta Socodka Baabuurta Dawladda

0
860

Liisanka baabuurta waxaa lagu qaadan karra afar shuruudood, muwaadin, ajaanib dalka sharci ku jooga, qaxoonti la caddeeyay iyo qof haysta kaadhka deganaanshaha Soomaalida

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa ka hadlay qorshaha dib u habeynta gaadiidka badda iyo hannaanka qofka aan muwaadinka aheyni ku qadan karo liisanka baabuurta.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay dhismayaasha waddooyinka ee socda iyo kuwa u qorshaysan, xakameynta gaadiidka dawladda iyo hirgelinta ka saarista baabuurta waxkasta oo saayid ku ah.

Waxaa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay sida ay uga taxadireen ka wasaaradd ahaan iyaga oo ka eegaya dhinaca ammaanka dalka iyo mandaqadaba bixinta liisanka dadweynaha.

Dhanka kale waxaa uu xusay shuruudahaha liisanka baabuurta lagu qaadanayo oo ay ka mid tahay haysashada kaadhka aqoonsiga muwaadinku in  ay taasi kordhisay qaadashada kaadhka dhalashada.

Agaasimaha guud oo wareysi gaara ku siiyay xafiiskiisa Dawan Media Group oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay sannadkan waxaa uu yidhi.

“Sannadkan waxyaabaha  ugu weyn ee noo qabsoomay waxaa ka mida, mashruuca baadhitaanka badqabka gaadiidka, waxaana mashruucaasi aanu heshiis kula galay lix shirkadood, oo guddida Qandaraasyada ka soo baxay, lagana kala sameeyay magaalada Hargeysa laba shirkadood Bari iyo Galbeed, magooyinka Borama, Burco iyo Laascaanood, dhab ahaan taasina waa mid aanu uga go leenahay sidii shilalka loo yareyn lahaa, gaadiidkuna ay u helilahaayeen badqab gaadiid oo sannadkiiba hal mara, in la eego taayiradiisa, biriigiisa iyo badqabkiisa, waana barnaamij adduuunka oo dhan ka jira.

Sidoo kale waxaa aanu daahfurnay hoostada dayactirka gaadiidka dawlada ee gobolka Maroodijeex, oo madaxweynaha Somaliland xadhiga ka jaray, annaga oo ugu tallo galnay in gaadiidka dawladda ee caasimada oo dhan lagu dayactiro, wasaaraddahana aanu ku amarnay in ay dhammaantood gaadiidka keenaan, oo aan la arag gaadiid danbe oo dawladeed oo geerash  magaalada ah lagu dayactirayo sannadka so socda waxaa noo qorshaysan in aanu tii Burcona kicino, marka sannad walba gobol ayaanu kicin doona, aakhirkana waxaa qorshahayagu yahay in dayactirka gaadiidka dawladda aanu ku filaano, kadibna aanu u soo gudubno dayactirka iyo shidaalka oo dawladdu isku filaato.

Waxaa kale oo noo qabsoomay dhammeystirka dhismaha hay’adda waddooyinka Somaliland oo madaxweynaha Somaliland xadhiga ka jaray, dhismahaasi waxaa maalgelisay hay’adda GIZ.

Waxaa kale oo noo hirgalay dhismaha waaxda liisamada iyo buugaagta, ahna waaxda ugu badan ee u qabata adeega bulshada, gaadhi kasta bileydhkiisa, buugiisa, liisanka, waxaa aanu ka joojinay dadkii mukhalasiinta ahaa ee dadka hor yaaci jiray, afaafka hore ayaa lagaga reeba, qofka adeega u baahan oo kaliya ayaa soo galaya goobtii oo deggan oo magacyadii ku qoran yihiin, qofkii isaga ayaa muddo aan labatan daqiiqo ka badneyn hawshiisa ku qabsanay.

Waxyaabaha kale ee sannadka noo qabsoomay waxaa kow ka ah dhismaha waddooyinka, oo dhab ahaantii horumar wanaagsan aanu ka gaadhnay, qaybtii sannadkan noo qorsheysnayd gaar ahaan waddada Ceerigaabo, waddada Berbera Coridor, waddada Fardaha ee Borama iyo Lowyacaddo, waddada Hargeysa Buy Bus oo iyaduna sannadkan bilowgiisa bilaabmaysa, Qarankuna waa uu ku faa’idi doona hadii ILLAAHEY yidhaahdo”

Mar uu ka hadlayay qorshaha dib u haybta badda waxaa uu yidhi.  “Gaadiidka Baddu waxaa uu la mid yahay ka Berriga, wax wal oo gaadiidka Berrigu u baahan yahay ayuu ka Badduna u baahan yahay, sida liisanka, gaadiidka Badduna waa la mid, waa in la hubiya qofkani doonta ma kaxeyn karaa mise ma kaxeyn karro, doontu buug ayay leedahay sida gaadhiguba buuga u leeyahay buug lahaanshiyo iyo mulkiyad ayay leedahay doonidu, sababto ah hadii doonidii hub lagaga tago cidda loo raacayo si loo helo waa in ay buug lahaata laga tixraaco, waxaa kale oo gaadiidka dhulku leeyihiin lanbar, doonyaha, laashashka iyo maraakiibtuna siiriyal lanbar ayay leeyihiin, markaa markii wasaaradda gaadiidka la aasaasay waxaa aanu ogaanay nidaamkaasi oo dhammi in aanu jirin, doonyaheenu lanbar ma leh, buugna ma leh, liisana malaha naakhuudaha wada, arrintaasi annaga oo iska kaashanayna wasaaraddaha maaliyadda iyo xannaanada xoolaha waxaa aanu aasaasnay maaddaamada xeernidamiyaha madaxweynuhu xaq noo siinayo in wasaaraddani masuul ka tahay gaadiidka, cirka, dhulka iyo badda in aanu aasaasno gaadiidka bada, wasaaradda maaliyaddu waa ay nagala shaqeysay tacrifadaheedii waala soo saaray, waxooga farsamadii iyo goobihii imtixaanka lagu geli,ahaa ayaanu diyaarinaynay, sannadka innagu soo foolka leh ee 2021-ka mar kaliya ayaa laga daahfuri doona saddexda magaalo ee Saylac, Maydh, iyo magaalada Berbera oo xarunta ah, shaqaalihiina waanu tabbabarnay marka qof wal oo dooni kaxaynayaana liisankiisa ayuu qaadan doona, doonida buug ayaa loo sameyn doonaa, siiriyal lanbar taariko ah oo wasaaradda xannaanada xoolaha ah oo kalluumeysigii dhinac ka soo gasha oo aanu ka wadda shaqeyn doono ayaa la siin doona hadii ILLAAHEY yidhaahdo.

Waxyaabo badan oo aan loo baahneyn ayaa gaadiidkeena ku xidhan, qaarba lanbarka meelkale ku xidha, kuwa laydh saayida leh, kuwa turusyo saayida leh islamarkaana halis ku ah marka shil dhaco khasaare badana gaysanaya, sababaha aanu u sameynay barnaamijkan badqabka gaadiidkan ayay kow ka tahay, gaadhiga marka lagu xidho waraaqda badqabka gaadiidka waxaa la waafajin doona.

Marka koobaad liisanka waxa aanu ku xidhnay kaadhka dhalashada Somaliland, qofku waa in uu muwaadinimadiisa muujiya, markii bulshada Somaliland la diwaangelinayay lacag la’aan ayaa lagu diwaangelinayay, oo guri walba waala hor dhigay, dad aan ka yareyn sodon kun oo qof ayaa liisanka dartii u qaatay, wasaaradda arrimaha guduhu dhab ahaantii arrintaasi waa ay nagu ammaantay, wax kalena maahe waa hadaad muwaadin tahay kaadhkii aqoonsiga doono”

Mar uuu ka hadlayay siyaabaha lagu qaato liisanka wadista baabuurta waxaa uu u kala saaray afar qodob waxaanu yidhi. “Qofka aan muwaadinka aheyni saddex qodob ayuu noqonayaa, saddexdii qodobna waanu xalinay ILLAAHEY mahadii, in uu yahay qof ajaanib ah oo waddankeena baasaaboor kale ku jooga, islamarkaana ajaanibnimadiisu ay caddahay, tusaale ahaan waa nin Carab ah, waa nin caddaan ah, waa nin waddamada Africa u dhashay, waa in uu laanta socdaalka ka haystaa deganaansho, degaanshiyuhu lanbarbu leeyahay, basaaboorkii iyo degenaanshiyihii Somaliiland waa in uu keenaa, waala siinayaa ajaanibta dalka sharciga ku jooga.

Waxaa soo hadhay laba qodob oo kale oo dhibaato nagu haya oo aanu imika xalinay waxaa jira dad Soomaali ah oo kaadhkii Somaliland-na aan qaadan karrin baasaaboor ajaanib ah oo ay leeyihiin oo ay dalka ku joogaana islamarkaana fiisaysani aanu jirin, tusaale ahaan qof u dhashay Soomaaliya oo Somaliland degan lagana yaabo in uu ku dhashay, kuna dhalay oo aan qaadan karin kaadhka muwaadinka, meel kale oo uu tago maba garanayo sababto ah halkan ayaa ubadkiisi iyo carruurtiisi jogaan, waxaa aanu arrintaasi uga mahad celinayna madaxweynaha Somaliland, oo arrintaasi markii aanu hordhignay guddi wasaarro ah u saaray, waxaa kale oo loo saaray guddi farsamo oo aan ku jiro waxaa aanu sameynay kaadh la yidhaaho kaadhka degenaanshaha Soomaalida, oo toban dollar qiimihiisu yahay oo waaxda socdaalku bixiso, kaadhkaasi ayay soo qaataan imika, damaanadna waa laga qaadaya in qofkaasi Somaliland degan yahay oo la garanayo.

Qodobka saddexaad waa Qaxoontiga dad Qaxoontiya oo dalka inala jooga oo fursado shaqo hela ayaa jira, oo hay’adduhu doonayaan in ay ina shaqeystaan, arrintaasina waxaa inoo qaabilsan hay’adda barakacayaasha iyo arrimaha qaxoontiga, waxaanay siisa waraaq caddeynaysa qaxoontinimadiisa kuna wadayaalaan hay’addeena iyo hay’adda UNHCR, kaadhkaasi marka loo keeno ee uu qaato liisanka waa uu ku qaadan karaa, afarta qoloba imika waa ay qaataan.

Annagu hay’add nabadgeliyo ma nihin ee ujeedada aanu ka leenahay waxaa ay tahay in qofkii liisan noo soo doonayaya hay’addaha amaanku ay ka jawaabeen xogtiisa si hadii dhibaato timaado halkaasi looga sii tixraaco”

Dhanka kale mar uu ka hadlayay agaasime Cumar-sayid dhismaha waddooyinka waxaa uu yidhi. “Waddo kasta oo waddankan laga dhisayo dawladda leh, masuuliyada koobaad ee dawladdu inay dhistay aheyd, shantii sannoba qorshe ayay leedahay dawladda markaasi la doorto u yaala, waxaana ahmiyada koobaad la siiya waddooyinka ku jira barnaamijka xisbiga talada dalka haya ee KULJMIYE, kaas oo laga soo dheegay qorshaha labaad ee horumarinta Qaranka, waddooyinkaasi ayay wasaaraddu qaabilsan tahay in ay toos u dhisto, dhaqaale u raadiso, muddadii shanta sanno aheyd ee madaxweynaha la doortay in aanu kaga jawaabno.

Waxaa jira waddooyin kale oo ay bulshadu iyagu bilaabeen, kama gacan madhnin, haday tahay xagga farsamada, si aanay wixii u khasaarin maaddama bulshada qaybaheedii kala duwana laga soo ururiyay kharashaadka ku baxaya, haday shidaal tahay iyo haday gaadiid iyo qalaba tahay waanu ka gacan gaysanaa, labada waddo ee gobolka Maroodijeex ka socda wadada Baligubadle iyo ta Salaxlay labadaba kaalin mug iyo miisaanleh ayaanu ka gaysanay, waddooyinka Laascaanood iyo Kalabaydh iyagana kaalmo ayaanu ka gaysanay dhismahooda oo bajadka ayay wax ugu jiraan.

Afar biriish ayaa iyaguna qorshaha noogu jira, waddada Berbera Cori-dor, labana waa galbeedka, labana waa bariga,afartaa biriijba waxay ka mid yihiin mashuuca waddada Cori-dor ka, labada biriij ee Aw Barkhadle iyo Dacar-budhuq waxaa dhammaaday qaybtii farsamada ahayd hadday tahay siday u dhismayeen iyo hadday tahay ciiddii laga qaadayay ba way dhammaadeen qalabklii lagu dhisayay qaybtii ugu horraysay ayaa soo degtay bishan in ay si dhakhso ah u bilaabmaan labadaa biriij ee dhibta badan innagu haya ayaan rejanaynaa insha ALLAAH,waddadiina way socotaa”

Mar uu ka hadlayay gaadiidka dawladda iyo xakameynta socodkooda waxaa uu yidhi. “Runtii sannadka soo socda ee 2021-ka shacbiga Somaliland way ogaan doonaan in aanu ka jawaabnay gaadiidka dawladda ee wakhtiguu doono iska socda, intii Somaliland jirtay siyaasadda gaadiidku waxaa ay dhigaysa in saddexda galabnimo wax ka danbeeya aan gaadhi la kaxeysan, muddo ayaanu daraasad wadnay, waxaanan soo saarnay nidaam dhammeystiran oo gaadiidka dawladda lagaga nasanayo, lacagta ku baxaysaana ay tahay afar iyo sagaashan kun oo dollar, guddida qandaraasyada Qaranka ayaa baahisay qandaraaskaasi, kuna jiri doona miisaaniyada Qaranka ee 2021-ka todobaadkii hore ayaanay ku guulaysatay shirkada Telesom, 860 gaadhi oo dawladdu leedahay ayaa noo diwaangashan, 700 oo gaadhi oo ka mida ayaa lagu xidhi doona qalabkaasi kuwa danbe ee dawladu soo iibsatana waa lagu xidhi doonaa, waxaa kale oo aanu sameyn doona marka aanu kuwada xidhno qol lagala socdo dhaqdhaqaaqa gaadiidka dawladda, waxaa ay shaqada soo galayaan waaxdaa dabagalku labada duhurnimo, saddexda galabnimana waxaa ay toos u arkayaan dhammaan gaadiidka dawladda ee soconaya, wasaaraddaha amarkii qaatay iyo kuwa baalmarayba  ee gaadiidkoodu socdo wakhtiga shaqada xilli ka baxsan waala arkayaa warbixin todobaad leh ahna waanu ka soo saaraynaa, ugu danbeyn ciddi u hoggaansami weyda waxaa aanu gaadhigaasi ku bakhtiinaynaa halka uu marayo, waxaa kale oo jiri doona gaadiid xilliyada ay hawl ku jiraan la siin doono calaamad dhaqdhaqaaq waxaanu arrintaasi ka wada shaqeynayna agaasima waaxeedyada ee laamaha dawladda”

 

 

Leave a Reply