Ganacsade Cali Waraabe oo u jawaabay Hogaamiyaha WADDANI iyo Siyaasi kale

0
509

Ganacsade Cali Ibraahim Ciise (Cali Waraabe), ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo todobaadkii hore xukuumadda eeddeyn ugu jeediyey maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera iyo arrinta diyaaradaha duulimaadyadooda dawladdu hakisay.

Ganacsadaha ayaa sheegay in aan Hogaamiye Xirsi meeli uga banaanayn ka hadalka arrimaha Haamaha shidaalka Berbera, waxaanu ku eeddeeyey in uu cunaha kaga duubnaa Shirkaddaha Waddaniga ah ee Shidaalka keena markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa, maanta oo uu mucaarid yahayna iska dhigayo Nin ka damqanaya cadaalad-darro lagu sameeyey Shirkaddaha.
Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply