Haween Cabasho ka Muujiyey Wasaaradda Caafimaadka iyo Dr Xergeeye oo ka Jawaabay

0
447

Hargeysa-(Dawan)-Qaar ka mid ah Haweenka la nool xannuunka HIV/AIDS oo warbaahinta la hadlay ayaa cabasho ka muujiyey mushaharkooda oo ka maqan muddo toban bilood ah.

 

Haweenkan ayaa sheegay in urrurka WADDANIGA, ah ee Tallo Wadaag ay hay’adda UNICEF usoo marin jirtay wixii kaalmo ah, balse baadhis lagu sameeyay ururkaas lagu qabtay wax is daba marin. Waxaanay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ku eedeyey inuu is hortaagay lacagtooda oo loo marinaayey Koomishanka Xakamaynta AIDS-ka

 

Xidhiidh aanu la samaynay agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka si aanu wax uga waydino cabashada ay ka muujiyeen haweenku, ayuu sheegay inaan marnaba wasaaraddu mushahar siin jirin balse ay siin jirtay hay’adda UNICEF oo u marin jirtay urrurka WADDANIGA ah ee Tallo-Wadaag.

 

Dr Xergeeye ayaa sheegay in ha’yaddu ay u hayso lacagtooda balse ay hadda qorshaynayso ciddii ay usii marin lahayd madaama ururkii ay usii marin jirtay ay kala xidhiidh furteen, waxanu xusay in aan weli go’aan laga gaadhin cidda loo marinaayo.

 

 

Haweenka mushaharkooda la’ ayaa sheegay in boqol carruur ah oo ka soo jeeda qoysaskooda ay soo wajahday cuno la’aan iyo nafaqo la’aan halisna ay u yihiin ay dhintaan.

 

Dumarkan hooyoyinka ah ayaa deji u sameeya dadka uu ku cusub yahay xanuunka HIV/AIDS-maadama uu iyaga kusoo horeeyey waana sababta ay dhaqaalaha ugu bixiso ha’yadda UNICEF.

Leave a Reply