Bannaanbax lagaga soo Horjeedo Aflagaadadii Nebigeena (SCW) loo Geystay oo ka Dhacay Xaafada Sheekh Cumar

0
582

Hargeysa (Dawan) Markii laga soo baxay salaadii casar, waxaa xaafada Sheekh Cumar ee dhanka koonfureed ee magaalada Hargeysa,  gil-gilay bannaanbax aad u balaadhan, kaas oo ay dhigayeen bulshada degan xaafadaasi.

Bannaanbaxan ayaa lagaga soo horjeeday aflagaadadii madaxweynaha Faransiisku u geystay Nebiga Maxamed (SCW).

Hadaba dadkii ka qayb qaadanayay bannaanbaxan ayaa iyaga oo cadhaysan waxaa ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah madaxweynaha Faransiiska.

Bulshadii kala duwaneyd ee ka qayb qaadanayay bannaanbaxan ayaa si kulul uga hadlay aflagaadadii loo geystay Nebigeena, NNKHA.

Qaybo badan oo ka mida caalamul Islaam, gaar ahaan Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dibad-baxyo balaadhan oo lagaga soo horjeedo aflagaadadii madaxweynaha Faransiisku kulka  kacay Nebiga (SCW).

Bannaanbax lagaga soo Horjeedo Aflagaadadii Nebigeena (SCW) loo Geystay oo ka Dhacay Xaafada Sheekh Cumar

Bulshada degan xaafadani ayaa waxaa ay bannaanbaxaasi ku mareen jidadka halbowlayaasha u gaadiidka iyo dadka ee xaafadaasi, iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ay mid yihiin ‘Madaxweynaha Faransiisku ha dhaco’ iyo erayo kale.

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply