Guddoomiyaha Koomiishanka Doorshooyinka oo ka Hadlay Qabashada Diwaangelinta Codbixiyayaasha

0
515

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac), ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin sidii ay diwaangelinta codbixiyayaasha Qaranka dalka uga qaban lahaayeen, islamarkaana ay wakhtigeedii ugu qabsoomi laheyd.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay diwaangelinta codbixiyayaasha iyo shaqaaleysiinta gobolada dalka, ee hawlaha diwaangelinta qabanaya, islamarkaana ay meel wanaagsan u marayso hawlaha bilowga diwaangelinta codbixiyaayaashu, isaga oo tilmaamay in aan la muddeyn wakhtiga kale ee si rasmiya loo bilaabi doono diwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac).

Waxaa kale oo uu xusay in ay sharci tahay in la qabto labada doorasho ee isbarkan islamarkaana aanay jirin wax caqabad ah oo hortaagan in la qabto.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.  “Ka koomishan ahaan maalmahanba hawlgal ayaanu ku jirnay, marba marxalad ayay qaadata diwaangelinta loogu diyaar garoobayo, waxaa ka mida shaqaalihii gobolada oo la soo dhammeystiray, waxaa ka mida shaqaaleysiintii dadka hawsha fulinlahaa, jaamacadaha in lala xidhiidho, tababaro in la bixiyo, in agabkii lagu shaqeynlaha dhammaantii la helo, marka guddida doorashooyinku waxaa ay diyaar u yihiin diwaangelintii dalka ka qabto, wakhtigii loogu tallo galayna ay ku qabsoonto”

Leave a Reply