Xukuumadda oo ka Hadashay Aflagaadada Nebiga loogu Geystay Faransiiska

0
534

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay meel adag ka taagan tahay Aflagaado kasta oo lagula kaco Nebi Muxamed (N.N.K.H), xilli Wadamada Muslimiintu meel adag iska taageen xidhiidhka Dalka Faransiiska, maaddaama uu Madaxweynaha Faransiisku uu taageero u muujiyey ninkii la dilay ee sawir gacmeed uu wax kaga sheegayo Nebiga sameeyey.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo dalka ka maqan ayaa sidoo kale sheegay in aan gorgortan la galin karin qaranimada Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Innagu waxaynu nahay dad islaam ah, waxaanu ALLE inagu nimcaystay imaanka islaanimada, wuxuu ALLE inoo soo diray Nebi Muxamed, markaas sinaba raali uguma nihin in Nebigeena wax laga sheego, Nebiguna waa iftiinkii iyo nuurkii Adduunka, oo iyaduu casri jahili lagu jiro, ayuu ALLE Nebi Muxumed Adduunka keenay, waxaanu Nebigu ina baray waxaynu if iyo akhiraba ku liibanayno, markaas inuu jecaylkiisu qalbigeena ku waynaado oo aynu saligiisa joogteeyno ayaa la inaga rabaa, Muslimiintuna meel kasta oo ay joogaan inay Nebiga taageero iyo jacayl u muujiyaan waa waajib, oo waa kii hore Rasuulku u yidhi ilaa naftiina iga jeclataan imaankiinu taam maaha, markaas inaynu Rasuulka nafaheena ka jeclaano ayaa waajib ah, waana inuu Rasuulku mar walba inagu weynaada”.

Wasiirka Arrimaha dibeddu waxa kale oo uu ka hadlay Hay’adaha Qaramada Midoobay oo Xukuumadda Somaliland ku samaysay shaqo-joojin kuna eedaysay inay doonayaan inay inay qorshaha Soomaaliya ka fuliyaan Somaliland, waxaanu Madaxweynaha ku taageeray hadal ahaan inaan dalkan laga fulin karin wax Qarannimadiisa lid ku ah “Waa sidaas uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi sheegay, waxna kaga noqon maayo hadalka Madaxweynaha, oo Madaxweynaha ayaa wax walba ka hadlay, laakiin Somaliland qaranimadeeda gorgortan iyo shaki lama galin karo, cid kasta oo dood ka qabtana in aanu ku qancino sharcinimada dalkayaga ayaanu diyaar u nahay, Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo guud ahaan Beesha Caalamka, waxaanu ugu baaqaynaa inay qaranimadayada qadariyaan, oo ixtiramaan mawqifka Shacabkayaga, maxaa yeelay waxaanu nahay dal buuxiyey shuruud kasta oo looga baahan yahay dal jira”

Geeska Afrika

Leave a Reply