Golaha Guurtida oo u Yeedhay Guddoomiyaha Ha’yadda Qaxoontiga

0
544

Hargeysa-(Dawan)-Guddida joogtada ah ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan xog wareysi ah la yeeshay mas’uuliyiinta hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka ee Somaliland.

Ugu horeyn guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddida joogtada ah ee golaha guurtidu u yeedheen si ay uga xogwarayestaan hawlaha ay qaranka masuulka uga yihiin iyo qorshayaashooda wax qabad, wuxuuna intaas ku daray in uu si wanaagsan ugu soo dhammaaday kulankaasi.

Geesta kale, guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xogwaraysiga ay la yeesheen masuuliyiinta hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo uu hogaaminayey guddoomiyaha hay’addaasi Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) uu daaranaa sidii ay u ogaan lahaayeen hawlaha ay hay’addaasi qaranka u hayso, isaga oo xusay in masuuliyiintaasi siiyeen warbixin ay ku qanceen oo la xidhiidha waajibaakooda qaran.

Leave a Reply