Wasaaradda Ciyaaraha oo Bogaadisay Bahda Wargeyska Dawan

0
609

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Nuux Jibriil,, ayaa hawl waddeenada Wargeysyadda Dawan, iyo guddoomiyahooda ku boggaadiyay sida hagar la’aanta ah ee ay bulshada ugu gudbinayaan koobka gobollada Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu bulshada ka codsaday in ay nabadgeliyada ilaaliyaan, ciidamada ammaankana kala shaqeeyaan sugitaanka wixii nabadgeliyada waxyeelaya.

Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Nuux Jibriil/xuquuqda sawirka Wargeysyada Dawan

Waxaanu sidan ka sheegay mar uu si gaara ula hadlayay hawl wadeenada wargeysyada Dawan, ee u qaabilsan soo tabinta ciyaaraha gobollada dalka ee ka socda garoonka Hargeysa Stadiom.

Agaasimaha waaxda ciyaaraha  ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Nuux Jibriil,,  isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi. “Maanta ciyaar qiimo badan ayaa la ciyaaray, si wanaagsan ayay illaa hadda ciyaaraha gobolladu u socoddaan oo nabadgeliyo leh, kuwii hore nabadgeliyo ayay ku dhammaadeen, sharciyadda, nidaamka iyo qawaaniinta ciyaaraha u yaalana in ay illaaliyaan, ciyaartoyda iyo macalimiintu ayaanu ka codsanaynaa, waxaa kale oo aanu ka codsanayna dadka daawanaya in ay nabadgeliyada kala shaqeeyaan, ciidamada booliska.

Waxaa aanu bulshada ka codsanaynaa in nabadgeliyo ay ku taageeraan, kooxaha ciyaaruhu dhexmarayaan, nabadgeliyana ay ku daawadaan”

Agaasimaha waaxda ciyaaraha  ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Nuux Jibriil, waxaa u bahda Wargeyska Dawan ku bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee bulshada ugu tabinayaan ciyaaraha gobollada dalka. “Waxaan halkan ka ammaanaya wariyayaasha ka socda wargeyska Dawan, oo aad iyo aad mar walba isugu taxaluujinaya inay soo gaadhsiiyaan fariimaha ciyaaraha bulshaweynta kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa kale oo aan aad u hanbalyaynayaa guddoomiyaha wargeysyadda Dawan Maxamed Axmed Caloolay, Siciid Askar iyo Cadnaan waanay ku mahadsan yihiin sida fiican ee ay bulshada warka ugu gudbinayaan”

Halkan ka Daawo

Leave a Reply