Halista Beenta Iyo Khiyaamada!

0
968

James Robert Scott wuxu dhashay bishii Novemebr 20,  sanadkii 1969.  James oo ah nin Maraykan ah ayaa sanadkii 1993 ka tegay magaaladii u degenaa isagoo niman saxiibadii ah u raacay magaalo kale oo ku xigtay laakiin uu u dhexeeyay webiga Mississippi kaasi oo lagu xidhay derbi.

Scott waxa uu doonayay inuu saxiibadii la joogo magaladaasi dhowr maalmood, sidaa awgeed derbiga ayuu si kas ah meel yar ka dalooliyay si uu dib ugu dhigo gabadhiisa oo iman lahayd guriga isagoo doonaya inuu u sheego in wadadii uu daad xidhay.

Laakiin derbigii uu dalooliyay ayay biyihii marba marka ka danbaysa si ballaadhiyeen taasi oo keentay ugu danbaystii inuu dhaco oo ku fataho goobo ballaadhan oo qiyaas ahaan gaadhaya 130 Km2 , daadka ayaa baabiiyay biriishiyo iyo guryo ay dadkii degenaa ka qexeen dadkaasi awgiis..

Biyaha daadka ahi waxay xataa soo jiidheen goobo xabaalo ahayd oo soo saareen maydkii ku aasna. Dawladdii Maraykanka aya ugu danbaystii ogaatay ninka falkan geystay inuu yahay Scott isagoo weliba isaguna ka qirtay Maxkamadda denbigaasi.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay xabsi daa’in waxaana lagu xidhay Jeelka Massive.  Dadkaasi ayaa loo yaqaan daadkii Massive (Massive Flood).  Robert Scott waxa uu doonayay inuu been gabadhiisa ku maaweeliyo laakiin waxa uu ku galay Xadhigasi dheer ee madax haku furto ah.

Leave a Reply