Gabiley: Waxa loo dhisay guri bangalo ah oo ay Nololsha ku baxnaaniyaan

0
618

Qoys ka kooban afar Qof oo naafo ah iyo Ubad yar yar oo mucaawimo loogu dhisay Guri ay Bacadka iyo dhaxanta kaga xeroodaan iyo taakulada kale ee ay u baahan yihiin…

Qore. Saleeban Kalshaale

Gabiley(Dawan)-Shalay waxay ahaayeen Bacad-yaal aan tamar lahayn oo ay bugto iyo baahi nololeed isu barkadeen, maantana waxay ku nool yihiin guri bilic leh oo Bangalo ah, inkasta oo aan xaaladdooda caafimaad waxba iska bedelin.
Waxaanay tani ku suurtogashay Dedaal ay Fikirkiisa iyo bilowgiisaba lahayd Hodan Yuusuf Xasan, kalana shaqeeyeen Ururka Haweenka Degmada Dacarta oo u istaagay sidii ay Qoyskan intii Karaankooda ah wax gu qaban lahaayeen, kuwaasoo alle SWT u suurto-geliyey amma ku guuleeyey inay dhisme Bangalo ah uga yagleelaan qoyskan Bogcad ay uga dhisnayd Jiingad yar oo aan Hoy iyo hadh toona ugu filnayn.
Qoyska Ilma Cismaan Cabdi, waa Qoys Danyar ah, Naafo ah oo ku nool Magaalada Gabiley, waxa ay ka kooban yihiin saddex wiil iyo Gabadh, kuwaasoo Dhamaantood Curyaamiin ah.
Mid kamida waa Dhulyaal, saddexda kalena waxa ay awoodaan oo kaliya fadhiga iyo in ay ku socdaan gaadhi-curyaan, balse ma laha Itaal iyo awood ay ku talaabsadaan amma ay ku maareeyaan nololshooda.
Qofna kuma dhalan xannuunkan, waxaase sannado ka hor ku habsaday qaddar alle oo laxaadka ka fadhiisiiyey, kaasoo ay duruufta nololshuna u sii nuglaysay.
Waxa dhawaan geeriyootay Alle ha u naxariistee Hooyadood Caasha Aw Jaamac Xirsi oo intii tamartoodu sidan noqotay u ahayd xoog, daryeelkoodana ku foogganayd,gaar ahaan Wiilka Dhul-jiifka ah iyo Gabadha oo u darsaday, kuna asturnaa gacan ku haynteeda.

Sanaddo badan oo ay degenaayeen dhismaha Jiingada ah oo isaga laftiisa wakhti dhexe taakulo loogu dhisay, 21-kii Bishii June ee sanadkan 2020 la dhagax-dhigay Dhismaha guriga loo dhisay, kaasoo lagu bilaabay Taakuladii ay soo fidiyeen xubno kamida ehelladoodu, waxaana si wada jir ah u dhagax-dhigay Xubno isugu jira Ururka Haweenka Degmada Dacarta iyo Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo kamida Aqoonyahanka Eheladda Qoyskan.

Guriga loo dhisay Qoyskan oo ah Bangalo ka kooban sagaal Qol, muddo billo ahna uu socday dhismahiisu,waxa jeebkooda iyo Tabarucaad kaleba ku soo uruuriyey xubno Qurbo-joog ah oo ay kamid yihiin Hodan Yoonis Xasan iyo Axmed Cali Khayre oo isu xilqaamay sidii qoyskan dhaxanta iyo bacadka looga xerayn lahaa, looguna dhisi lahaa hoy hadh iyo hantiba u noqdo, iyaga iyo tarantooda.
Labada Nin ee reerka ugu weyn oo kala ah Sahal Cismaan iyo Axmed Cismaan, labaduba waa xaasleyaal oo waxa ay dhaleen Ubad tiro badan, waana sababta ay mar walba u sii saayidaysay baahida ay u qabeen hoy ku fillan iyo mucaawimo kale oo aadaminimo oo lagu taageero nololshooda iyo caafimaadkooda.
“Dhismahan waxa ku baxay lacag dhan laba iyo soddon kun oo Dollar ($32000), illaahay Swt waa nagu asturay, maanta ayaanu ku wareejinay Qoyskaa loo dhisay. waxaanu u mahad celinaynaa cid kasta oo gacan ka geysatay”sidaasi waxa sheegtay Isuduwaha Hay’addaha Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee Gobolka Gabiley Ifraax Sh. Maxamuud oo lagu waraystay barmaamuj laga diyaariyey taageerada loo fidiyey Qoyskan.

Sahal Cismaan oo ah Odayga Qoyskan ka masuulka ah iyo walalshii Safiya Cismaan oo iyaduna ah Gabadha kaliya ee Qoyska ka fayow, balse iyadu degen magaalada Hargeysa, ayaa u mahad-celiyey guud ahaan dadkii ka qayb-qaatay dhismahan loo dhisay.
Waxa ay qof iyo Wadarba ugu duceeyeen xubnaha qaadhaanka bixiyey ee guriga maal-geliyey iyo dadkii u maamulayey oo ay magac-dhabeen Isuduwe Ifraax Sh. Maxamuud, Xaali Cabdi Muxumed, Khadra Xasan iyo xubno kale oo uu kamid yahay Eng. Axmed Cabdi Ibraahim.
“Waxaanu ka reysan doonaa banaankii aanu fadhinay, jiingadii ay dabeysha iyo Roobku nagu soo ridayeen. waxa aaanu dareemaynaa farxad adduunyo. waxaanu u ducaynaynaa dhamaan walaalaha noo dhisay gurigan”ayuu yidhi Sahal Cismaan.

Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo sidoo kale kamida Murrashaxiinta Golaha Wakiillada u sharaxan Gobolka Maroodi-jeex oo howsha dhismaha gurigan ku wehelinayey Ururka Haweenka ee fuliyey, door weynna ku lahaa abaabulka iyo u dhaqdhaqaaqista Qoyskan, ayaa ugu baaqay dadka musafaleyaasha ah, dawladda iyo cid kasta oo gacan u fidin karta qoyskan in ay caawiyaan.
“reer Somaliland oo dhan iyo cid kasta oo ka damqanaysa waxaan leeyahay Qoyskaa hala ogaado oo wixii la tari karo hala taro”ayuu yidhi Axmed Cabdi Ibraahim.

Si kastaba ha ahaatee, reerkan ayaa lagu wareejiyey furreyaashii guriga, iyadoo lagula dardaarmay in ay ilaalshadaan gurigaasi cusub ee loo dhisay, waxaanay dadkii ka qaybgalay munaasibada wareejinta gurigu halkaasi ka jeediyeen in Sadaq, Seko iyo samofal kaleba lagu caawiyo Qoyskaas Ilma Cismaan Cabdi.

Leave a Reply