Xulka Gobolka Hawd oo Iska Xaadiriyey Afar dhammaadka Tartanka Ciyaaraha kadib Markii uu ka Badiyey Xulka Badhan

0
545

Hargeysa-(Dawan)-Xulka Gobolka Hawd Ayaa u Gudbay Afar dhamaadka Tartanka Ciyaaraha Goboladda Somaliland ee Ka socda Garoonka Hargaysa Stadium ee Caasimadda Hargaysa kadib markii ay ka guulaysteen Xulka Gobolka Badhan.

Labada Xul ayaa soo bandhigay hannaan ciyaareed ku dhisan weerar iyo Weerar Celis iyadoo xul kastaa u Xusul duubnaa Sidii ay guul ugala hoyan lahaayeen garoonka Hargaysa Stadium.

Daqiiqadihii u danbeeyay ee qaybtii hore ee Ciyaarta ayaa Xulka Gobolka hawd waxay ka faa’iidaysan waayeen gool ku laad loo dhigay.

Markii la isugu soo noqday qaybtii labaad ee Ciyaarta ee labada Xulba la soo tashadeen tababarayaashooda ayay la gole yimaadeen qaab ciyaareed farsamadiisu sarayso.

Xulka Gobolka Badhan ayaa daqiiqadihii hore ee qaybtii labaad ee Ciyaarta waxay la yimaadeen goolkoodii kowaad ee Madiga ahaa.

Hasa Yeeshee Xulka Gobolka Hawd oo Weerar aan kala go’o lahayn soo qaaday ayaa daqiiqadii 75-aad waxay la yimaadeen goolkoodi kowaad ee barbar dhaca ka dhigay ciyaarta.

90-kii daqiiqo ee Ciyaarta loogu talo galay ayaa ku dhamaaday barbar dhac 1 Gool iyo 1 Gool ah Waxaana lagu daray 30 Daqiiqo oo dheeri ah maadama la rabo in labada xul mid soo baxo.

Ciyaartaas ayaa markii danbe gaadhay in lagu kala baxo Gool ku laad waxayna Guushu ku raacday Xulka Gobolka Hawd oo la Yimid 4 Gool Iyo Xulka Badhan Oo keensaday 3 Gool.

Xulka Hawd ayaa la Ciyaari doona Midkii soo baxa Labada Xul ee Daad Madheedh iyo Sool.

Beri oo Isniin ah waxaa wada Ciyaari doona Xulalka Awdal iyo maroodi jeex.

Leave a Reply