“Wakhtigii Dulqaadashadu Wuu Dhammaaday” Siyaasi Cali Waran-cadde

0
464

Hargeysa-(Dawan)- Siyaasi Cali Maxamed Waran-cade ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee xilalka ka haya dawladda taagta daran ee Soomaaliya ugu baaqay in ay dalkooda kusoo noqdaan.

 

 

Cali Maxamed Waran-cade lataliyaha gaarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay inuu dhammaaday waqtigii loo dulqadan lahaa dad kasoo jeeda Somaliland in ay xilal ka hayaan Soomaaliya , “Siyaasiyinta Somaliland ee Xamar ku cadiban ee dhafoorkana Xabada lagaga hayo afka karooga ee xoolaha yar ee lacag ah ilaashanaaya waxaan leeyahay , wakhtigii dulqaadashadu wuu dhammaaday”

 

“haddii Aydan si degdeg ah uga toobad keenin dunuubta aad ku jirtaan ,waxa imaan doonta wakhti aan la aqbali doonin towbada , waxan idinku waaninayaa in ay joojiyaan dambiga ay ka gelayaan bulshadooda iyo qarankooda oo ay ka tanaasulan islamarkaana degdeg ugusoo noqdaan dalkooda “

Leave a Reply