Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo Taageerayaasha Xulalka Gobollada Somaliland Hawada u Mariyay Fariin Dhiirigelina

0
712

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda dhallinyaradda ciyaaraha Somaliland mudane Boos Mire Maxamed ayaa taageerayaasha xulalka kala duwan ee gobollada Somaliland ku amaanay sida bilaa turxaanta ah ee ay u kala taageerayaan kooxda uu midkastaa taageersan yahay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in badi ay hadheen xulalkii ka socday gobolada dalku, islamarkaana ay wada aqoonsadeen in gobol kali ahi qaadayo koobka, taasina ay tahay mida kaliya ee suuragelinaysa in ciyaaruhu hagaagaan.

Sawirka Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, mudane Boos Mire Maxamed/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Wasiirka wasaaradda dhallinyaradda ciyaaraha Somaliland mudane Boos Mire Maxamed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Ciyaaruhu si wanaagsan ayay u socdaan, si bilaa turxaana oo bilaa buuqa ayay noogu socdaan, maantana tarabuunku sidii wuu ka duwan yahay oo waad arkaysaa dadku si degan ayay u fadhiyaan, xulal badanina waa ay hadheen, dhammaantoodna waa ay wada hadhi doonaan waxaa ay wada aqoonsadeen in koobka gobol kali ahi qaadayo deetana ciyaartu waa ay haggaagaysa”

Halkan ka Daawo

Leave a Reply