“Mar Haddii aanu Aragayagii Wayanay in Nala Dayaco Maaha”Ardayad Naafo Ah

0
489

Hargeysa (Dawan) Mid ka mida hablaha aragga naafada ka ah ee wax ka barta dugsiga indhoolayaasha ee magaalada Hargeysa, ayaa hadalo ruxay quluubta dadka ruxay ka hor jeedisay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, mudane Axmed Diiriye Toorno.

Sidoo kale waxaa ay  mid mid  isu dul taagtay duruufaha kala duwan ee dugsiga ay ku bartaan ku xeeran, oo ay ka mid yihiin, masqulo la’aan, marka ardaydu fasaladooda u maraan oo aan aheyn mid ku haboon iyo duruufo kale.

“Aad iyo aad ayaan caawa hurdada ugu gam ayaa war war weyn ayaa iga haystay wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, wasaaradda waxbarashada iyo sayniska wasiir qudha oo soo booqday dadka aragga naafada ka ahi xaalada ay ku sugan yihiin soo eegay ma jiro, wasiir adiga ayaa ugu horeeya soo dhawaw mar labaad iyo mar saddexaadba.

Dugsigayagu kaabadaha loo marayo waad aragtaan, waanad qiyaasi karta oo ku tiltilmaami maayo oo arag ayuu adiga ILLAAHEY ku siiyay, dugsiyagu masqulo ma leh carruurta yar yar lama isticmaali karno, ee todoba jir, shan jir iyo saddex jir, waanu naga fog yahay oo ma gaadhi karno, anagu mar hadii aanu nahay dadka aragga naafo ka ah oo aan waxba arkayn in nala dayaco maaha, wasiirka wasaaradda waxbarashada in na loo dhaga nuglaado oo baahiyaha aanu sheeganay iyo qaar kale oo badanba wax na looga qabto”Ayay tidhi mid ka mida ardayda aragga naafada ka ah ee wax ka barta dugsiga indhoolayaasha ee magaalada Hargeysa.

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply