Wasaaradda Maaliyadda Oo Hanaanka Online-Ka Loogu Bixiyo Cashuuraha Ku Tababartay Cashuur-Bixiyeyaal.

0
478

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda H. Maaliyadda ayaa tababar ku saabsan barashada hanaanka casriga ah ee online-ka loogu bixiyo cashuuraha kala duwan u qabatay Cashuur-bixiye tiradoodu ahayd 60.

 

Tababarkan oo noqnaya kii labaad ee noociisa ah ayaa ah nidaam cashuur-bixin casri ah oo Wasaaradda Maaliyaddu dhowaan daah-furtay, oo noqonaya mid u sahla cashuur-bixiyuha inuu guto waajibaadkiisa cashuur bixineed isagoo ku sugan goobtiisa shaqo ama gurigiisa, waxaana hawshan marka hore lagu fulinayaa adeegsigiisa bixinta cashuuraha macaashal-macaashka shaqaalaha iyo iibka.

 

Hanaankan ayaa sidoo kale cashuur-bixiyaha ka caawin doona helitaanka xogaha uu u baahanyahay sida; xeerarka iyo habraacyada cashuuraha, foomamka, hagaha xaqa iyo waajibaadka cashuur-bixiyaha, xidhiidhada, jidka loo raacayo cabashada, isagoo qaab is wada (automatic) ugu xisaabin doona xadiga cashuureed ee laga rabo cashuur-bixiye kasta, iyo waliba arimo kalo la xidhiiha..

Lixdan-kan cashuur-bixiye ee ay Wasaaraddu ku tababartay hanaankan casriga ah ayaa ka kala socday hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee Wadanka ka hawl-gala, isla markaana, ahaa kuwooda kaalinta hore ka galay u hogaansanaanta gudashada waajibaadka cashuur-bixinta Dalka, waxaana gabagabadii tababarka shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ka soo qayb-galayaashii tababarka.

Barnaamijkan ayaa qayb ka ah hawlaha dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dalka qaybihiisa kala duwan, waxaana la rajaynayaa inuu wax weyn ka tari doono hore u dhigista habsami u socodka dakhliga.

 

 

 

Leave a Reply