Maamulaha Hass Petroleum Oo Ka Warbixiyay Mashruuc Goboladda Lagu Gaadhsiinayo Haamaha Gaasta cuntada

0
410

“Bulshadeena imika way fahmeen isticmaalka Gaasta waana u diyaar saxmadda bulshadda iibsanaysa darteed”… Mahad Cabdi Cali

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland iyo haayadda UNDP ayaa dabayaaqadii bishii hore ee October waxay shaaciyeen barnaamij ay iska kaashanayaan oo hoos loogu dhigayo qiimaha Haamaha Gaasta cuntadda lagu karsado.
Barnaamijkaasi oo ay dhaqaale ahaan kaabayaan UNDP iyo wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa markii qandaraaskiisa la baahiyay ay ku guulaysatay shirkadda Hass Petroleum ayaa qorshuhu yahay in muddo lix bilood ah magaalooyinka lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland lagu gaadhsiinayo 2910 xabadood oo ah haamaha Gaasta ee 6KG ah.
Haamahaasi oo qiimaha lagu iibinayo laga dhigay $12 dollar haanta 6KG ah, isla markaana ay fulinayso shirkadda Hass Petroleum oo barnaamijkaasi ku guulaysatay.
U jeedadda ugu weyn ee ay wasaaradda deegaanka Somaliland iyo UNDP ka leeyihiin barnaamijkaasi ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa isticmaalka bulshadda ee Gaasta cuntadda lagu karsado.
Taasoo qayb ka ah dedaaladda loogu jiro wax ka qabashadda dhibaatadda deegaanka lagu hayo gaar ahaana Dhuxulaysiga.
Iydoo haddii ay korodho isticmaalk bulshadd ee Gaastu daawo u noqonaysa in ay hoos u dhacdo Dhuxulaysiga iyo jarist dhirta.
Si aan xog badan uga helno mashruucan ay shirkadda Hass Gas magaalooyinka goboladda Somaliland ku gaadhsiinayso haamaha gaasta, waxaanu arrintaasi ka waraysanay maamulaha guud ee shirkadda Hass Petroleum ee Somaliland Mahad Cabdi Cali.
Waxaanan Mahad, wax ka waydiinay in uu faahfaahin ka bixiyo barnaamijkani iyo halka uu marayo.
Isagoo ka hadlayay sida uu mashruucaasi ku yimid wax uu yidhi, “Mashruucani sida uu ku yimid waxay ahayd, wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland iyo haayadda UNDP ayaa iska kaashanayay, oo kabayay mashruucan. Markaa waxay yidhaahdeen wasaaradda deegaanka iyo UNDP si ay u kordhiyaan isticmaalka bulshadda ee Gaasta cuntadda lagu karsado, waa in aynu Gaasta kabanaa. Hadaba si aynu Gaasta u kabno, waxaynu u baahan nahay in aynu dadka kharashka Gaasta qayb ka mid ah ka bixino.
Waxaanu waydiinay maxaad uga wada bixin waydeen? Waxay nagu yidhaahdeen waxaanu diidaynaa in ownership nimadii ay meesha ka baxdo, oo qofku waa inuu dareemaa in hanta Gaasta laga laga soo siiyay. Markaa sidaa ayay wasaaradda deegaanka iyo UNDP u jebiyeen qiimaha.
Anagu ka shirkad ahaan, baahinta qandaraaska ay baahisay wasaaradda deegaanka Somaliland warbaahinta ayaanu ka aragnay, bishii October ee sanadkan 2020-ka. Kadibna sidaas ayaanu qandaraaskii ku dalbanay. Waa na loo yeedhay, waxaana na loo sheegay in aanu anagu ku guulaysanay. Su’aalo ayaana la naga waydiiyay sida aanu u fulin karayno mashruucaasi. Waxaanan u sheegnay in sida ugu fudud ay tahay, maadaama oo aanu qiimihii Haanta Gaasta hoos u dhignay, isla markaana aanu shirkad ahaan meello badan ka hawl galno in aanu bulshadda uun u fasaxayno.
Sidaas ayaanan heshiiska ku kala saxeexanay wasaaradda deegaanka Somaliland. Anagu na aanu hawshii ku bilawnay. Sidaas ayaanu hawshii ku socotaa”.
Mahad Cabdi Cali, waxa kaloo uu ka warbixiyay halka uu marayo qorshihii ahaa in Hass Petroleum ay muddo lix bilood ah magaalooyinka lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland ay ku gaadhsiiyaan 3910 xabadood oo haamaha Gaasta 6KG ah.
“Maanta lixda magaallo ee goboladda waaweyn ee Somaliland oo uu ku salaysnaa mashruucu iyo dhamaanba xarumaha ay shirkadda Hass Gas ku leedahay magaaladda Hargaysa iyo magaalooyinka lixda gobol ee waaweyn si isku mid ah ayay dadku uga heli karaan.
Waana $12 dollar qiimaha lagu iibinayo hanta Gaasta ah ee 6KG. si wanaagsan ayaanu mashruucaasi u socdaa, waxaanan rejaynaynaa in muddo lix bilood ah uu ku soo gebagabo. Waa 2910 xabadood ee Haamaha Gaasta ah”ayuu yidhi maamulaha Hass Petroleum ee Somaliland oo waraysi gaara siiyay wargeyska DAWAN.
Sidoo kale Mahad Cabdi Cali, ayaa sharaxay faa’iidadda ay isticmaalka Gaastu u leedahay ilaalinta deegaanka iyo Dhaqaalaha Bulshada.

Leave a Reply