Somaliland Jabuuti iyo oo iska Kaashanaaya Adeegyada Bulshada

0
421

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumaddaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jabuuti ayaa bilaabay iskaashi la xidhiidha adeegyada Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga kaasi oo qayb ka ah iskaashiga ganacsi ee ka dhexeeya labada dawladdood.

Wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaaanda Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee waddanka Jabuuti, Mudane. Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali)  ayaa sheegay in Somaliland ay la samaynayaa Iskaashi Horumarineed waxa uu yidhi “waxaanan u imi sidii walaalahay iskaashi isku dhaf ah oo xagga biyuhu ugu horayso, kuna xigaan Beeraha Kalluunka iyo waxyaalo kale oo badan, aan ka wada tashano oo aanu samayno iskaashi horumar dhaqaale, annigu siyaasad uma socdo Wasiir Horumarineed baan ahay”.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sheegay in wejiga ugu horeeya ay labada dal ceelal biyood ka samayn doonaan xuduudka ay wadaagan “Xuduudada aanu la leenahay Somaliland aaggaa naga soo horjeeda oo dhan inaan wax isla qabsano, inaan ceelal labada dhinacba ka samayno, waa dad isku mid ah, waa dad walaalo ah. Waa wajigii ugu horeeyey kuwa kalena waa ku xiggi doonaan, wasiirka biyaha waan la shaqayn doona, kuwa kalena waan wada tashan doonaa, cimiladii waa tan is bedeshay harraad baa ugu daran harraad qofkuu hayana wax ka horeeyaa ma jiraan” ayuu yidhi

Dhinaca kale wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in labada dawladdood ay wadaagi doonaan iskaashi hor leh oo Biyaha Beeraha Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ay ka mid yihiin , waxan uu yidhi “runtii waxaa noo sharaf ah inaan iskaashi hor leh oo Biyaha Beeraha Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ah aanu wadaagi doono annaga iyo wasiirku, waad nala arki doontaa dalka waanan kusoo marin doonaa meelo badan oo kamida haddii Alle idmo.

Leave a Reply