Xikmadaha Maanta

0
552
  • Nebi Muse (cs) isagoo Ilmo yar ah ayay badu badbaadisay oo nabad galisay, Fircoona isagoo awood badan oo ciidan xoogan wata ayay badu hafisay, maaha awoodaada, xikmadu waa in Allah (sw) kula jiro”
  • Hadii aad doonayso inaad saaxiib barato safar u raac, waxa kuu muuqan doona wax kasta oo uu qariyo, safar waxa loo yidhi waxa ku raaca akhlaaqda iyo anshaxa”

 

  • Haddii Biyuhu hadlayaan waxay ku odhan lahaayeen dad badan qalbigaa maydha jidhka intaanad maydhin.
  • Nin caaqli badan (Xakiim) ayaa lagu yidhi “ Waxaan guursaday gabadh naafo ah, suurtagal ma tahay inaan iska furo ? Waxaanu ugu jawaabay “ Haddii aad rabto inaad orodka kula bertanto iska fur”.
  • Nin gabadhiisa furaya ayaa la weydiiyay sababta furitaanka waxaana uu ku jawaabay “ Fariidku gabadhiisa waxba kama sheego”, Markii uu furay ayaa haddana lagu yidhi imika ayaanay gabadhaadi ahayn maxaad ku furtay ? Waxaana uu ku jawaabay: “ Caaqilka gabadh aanay shaqo isku lahayn waxba kama sheego”
  • Biyo kasta oo macaan oo samada ka soo dhaca waxba kama bedelaan biyaha dhanaan ee badda, kalsooni nafta sii, adiga ayaa isbedelka naftaada samayn kara, laakiin cidna kuma bedeli karto.

Leave a Reply