La Dagaalanka Maandooriyaha Waxa Lagaga Gdubi Karaa Wada Jirka Booliska iyo Bulshada

0
414

Faallo:Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):-Guud ahaan bulshada Somaliland waxay ka wada war qabtaa in maandooriyuhu uu yahay masiibo loo baahan yahay in wax laga wabto,mana jiro waalid raalli ka ah in ilmihiisa lagu sheego isticmaalka Maandooriyaha.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyay ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland uu awood badan isugu geeyay la dagaalanka Maandooriyaha oo dalka ku soo batay gaar ahaan xashiishada oo dhallinaro aad u badan lagu lumiyay,waxaanay ciidanka booliska ee Somaliland gobolada dalka oo dhan ku qabteen maandooriyeyaal kala duwan oo isugu jira Khamri iyo xashiishad si sharci darro ah dalka lagu soo gelinayay waana dagaal taagan oo ay saacad kasta boolisku ku gudo jiraan la dagaalanka Maandooriyaha.

Doorka waalidka ee la dagaalanka Maandooriyaha ayaa ah halka ugu horraysa ee lagala dagaalami karo maandooriyaha dhallinyada aafeeyay taas oo waalidku yahay bar bilawga ogaankara ilmihiisa saacadda ay wax ka si yihiin iyo waxa iska bedelay dabeecadihii uu ku yaqaanay waalidku ubadkiisa.

Marka waalidku ilmihiisa is bedel  dabeecadeed u ku arko ama ka dareemo waxaa loo baahan yahay in uu u kuur galo waxa ilmihiisa bedelay ee ku soo kordhay, laakiin haddii ay waalidka iyo ubadku noqdaan oo keliya sidii dad guri wada degan oo aanay iskaba war haynin taasi waxay  sabab u noqonaysaa in waalidku ilmiisa aanu wax badan ka ogaanin isla markaana uu ilmuhu si fudud ugu gacan galo Maandooriyaha oo uu noqdo qof u afduuban balwadaha mukhaadaraadka ah xilliga uu waalidkii ogaadaana ay noqonayso xilli wax waliba ay gacantiisa ka bexeen ama waxaa uu ku war heli doonaa uun waalidku xilli ay boolisku gacanta ku dhigeen wiilkiisii aanu warba u hayn xilliguu beloobay ee uu toosnaanta ku ogaa.

Waxaa haddaba loo baahan yahay in waalidku noqdo xil gute ubadkiisa ka war haya isla markaana la shaqayn wanaagsan la leh waalidiinta kale ee ay isku xaafadda yihiin iyo goobaha waxbarasho ee ubadkiisu ay dhigtaan.

Waxaa kale oo loo baahan yahay in culimadu ay doorkooda wacyi gelineed ka qaataan la dagaalanka Maandooriyaha si bulshadu ugu baraarugto  haliska maandooriyuhu maanta  dhallinyarada uu ku hayo.

Waxaa lagama maarmaan ah in guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwani ay booliska kala shaqayso la dagaalanka Maandooriyaha si loo badbaadiyo dhallinyarada dalka oo ah mustaqbalka umadda.

Laakiin haddii la dagaalanka Maandooriyuhu booliska keli ku noqdo waxaa meesha ka baxaysa doorkii bulshadu ay ku lahayd wax ka qabashadisa taasina waxay suura gelinaysaa in xog badan oo bulshadu ay ka heli karto maandooriyaha ay qarsoonaato sida guryaha lagu qariyo iyo dadka u ban baxay ee waxaa ka ganacsada.

Haddaba ballanteenu waa in si wada jir ah aynu bulsho iyo boolisba iskaga kaashano la dagaalanka maandooriyaha si aynu u badbaadino dhallinyaradeena o ah mustaqbalka dalka iyo dadkeena.

Leave a Reply