“Waanu Tayayn Doonaa ciyaar-yahanada xulka Gobolka Sool,”Maxamuud Guray isu-duwaha wasaaradda ciyaaraha ee gobolka Sool

0
490

Hargeysa (Dawan) Isu-duwaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Sool, Maxamuud Guray, ayaa sheegay in ay dib u habeyn ku sameyn doonaan ciyaar-yahanada xulka gobolkaasi.

Sidoo kale waxaa uu si weyn uga mahad celiyay ciddkasta oo taageero u muujisay xulka gobolka Sool, muddadii koobka kubada cagtu socday.

Isu-duwaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Sool, Maxamuud Guray isaga arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Waanu tayayn doonaa ciyaar-yahanada xulka gobolka Sool, oo dhinackasta ka dhisan, marka koobka gobolada lagu dhawaaqo xul aan lagu hambabarin ayuu yeelan doonaa gobolku.

Waxaan ciyaarsiin doonaa ciyaaro saaxiibtinimo, oo aan ku soo dhisi doono Xirfadooda kubadeed, waan umahad-naqayaa qofkasta oo soo xidhay garamada Difaacida Gobolka Sool iyo macalinkasta oo soo layliyay.

Xulka maamulkasta oo soomaray iyo qofkasta oo gacan ka gaystay garab istaaga dhallinyarada, 19 maalmood ayaan ku soo dhisay kooxdii soo gaadhay sideed dhammaadka koobka waqti iyo juhdi badan ayaan galin doonaa kuwo sannado badan la soo carbiyayna waan Soo dhisidoonaa ILLAAHEY yidhaaho.”

Isu-duwaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Sool, Maxamuud Guray

Leave a Reply