Xildhibaanno la dardaarmay Xulka gobolka Daad-madheedh

0
470

Laba Xildhibaan oo ka soo jeedda Gobolka Daad-madheedh, ayaa munaasibad casho sharaf ah u sameeyey Xulka gobolka Daad-madheedh oo u baxay Ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobka Gobolada JSL.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka Gobolada, ayaa waxa maalinta Isniin ah isugu balansan garoonka Kubadda cagta ee Hargeysa Xulalka Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex.

labada xul ayaa kala qaadi doona Koobka kubbada cagta oo ay isugu soo hadheen, waxaana  Maroodi-jeex doonaysaa in ay  ka qaado Koobka labaad ee ugu qaalisan tartankan, iyadoo xalay ku guulaysatay Koobkii Kubbada Kollayga.

Hase yeeshee Daad-madheedh markii ugu horaysay soo gaadhay halkan, ayaa doonaysa in ay ku mitido Koobkan, kana faro-maroojiso Maroodi-jeex oo hore u haysatay Koobab.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) iyo Xildhibaan Cali Xaaji oo ka tirsan Golaha Wakiillada oo hadallo ka jeediyey munaasibada casho-sharafta, ayaa kula dardaarmay labada xulba in ay muujiyaan Ciyaar wanaag iyo degenaanshiyo, iyagoo dhinaca guushana u saadaaliyey xulka gobolka Daad-madheedh.

“Ciyaartu waa sida Milateriga oo Koox waliba marka ay soo gelayso tartanka way soo gaashaamataa bedelkeeda iyo mus-dambeedkeeda, markaa waxaan rajjeynayaa in gool-wadihii dhaawacmayna bedelkiisii uu ka sii fiicanba macalinku haysto”ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye oo intaasi raaciyey “labada Xulba waxa looga baahan yahay in ay ciyaar wanaagsan oo degen la yimaadaan “ayuu yidhi isagoo dhinaca kalena xusay xildhibaanku “Hargeysa Koobab badanbay haysataaye waxaan rejjaynayaa in aad sanadkan qaadi doontaan, sanadka dambe difaacan doontaan”.

Xildhibaan Cali Xaaji iyo masuuliyiin kale oo Xaflada ka hadlay ayaa si guud uga waramay ahmiyadda ay Ciyaaruhu u leeyihiin isdhex-galka iyo horumarka Dhalinyarada, waxaanay xulka Daad-madheedh ku dhiiri-geliyeen in ay dhamaystiraan guusha ay ka gaadheen tartanka Kubbada Cagta ee gobollada JSL.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Labada xul ee Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex, ayaa ah kuwo aan kala dhicin xagga awoodda iyo Ciyaar wanaagga, wallow dadka Ciyaaraha falanqeeyaa aaminsan yihiin in Gobolka Daad-madheedh uu wato macalinkii hore ee xulka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Diridhaba,taasina ahmiyaddeeda gaar ahaaneed u leedahay Daadmadheedh.

Leave a Reply