Wiil la Yimid Hal Abuurnimo Nooceedu ku Cusub Yahay DDS

0
611

Awaare (Dawan) Maxamed Abiib oo ah wiil dhalinyaro ah oo ku nool degmada Awaare ayaa farsameeyay Bajaaj uu ka sameeyaya biro uu  isku dardaray.

Hindisaa ku nool degmadda Awaare ee gobolka Jarar, maaha mid sameeyay wax mala awaala, waxaa uu ku guuleysta sameynta Mooto Bajaaj gaadiid ahaan looga isticmaalo degmadaasi.

Maxamed Abiib ayaa Motadan uu sameeyay ayaa ah mid wax weyn ka tartay baahidii bulshadu u qabtay helitaanka gaadiid, fudud oo ay raacaan.

wiilkan oo la hadlay Tv-ga SRTV ee DDS, ayaa faahfaahin ka bixiyay caqabadihii ka soo maray hirgelinta hal abuurnimada nooceedu ku cusub yahay dawladd deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maxamed Abiib kana mida  dadka hal abuurka ah ee ku nool degmada Awaare ayaa Tv-ga DDS uga warbixiyay hanaqaadka mu-hindiska uu la yimid. “Xilligii aan sameeyay wax mushiina maan heynin, dhagax-mool maan haynin, wax lagu laxaamado maan haynin, baytariyo gaadhi inta aan isku xidh xidhay ayaan isku laaxaamaday, hadda muddo laba sannadooda ayay imika sameysneyd oo aan meelaha iska wadwadan jiray, maadama aanay ku badnayn gaadiidka Bajaajtu taasi ayaa igu kaliftay in aan sameeyo, si ay bulshada ugu adeegto.

Marka laga reebo mishiinka iyo taayirada waxaa aan ka sameeyay allbaabada birta ka sameysan oo aan isku wada laxaamaday”

Wiilkani ayaa daboola baahida dhinaca gaadiidka yar yar ee Mooto Bajaajta bulshadu u qabaan “Deegaan 27-km jira ayaan ku tijaabiyay, waa Mooto oo xawaaraha orodkeedu aad ayuu u fiican yahay, cidda aan u sameeyayna waa reer Awaare ee in ay gaadiid ahaan u isticmaala’aan ayaan ku boorin lahaa”

Gaba-gabadii dadka leh hal abuurka sarre islamarkaana awooda in ay sameeyaan gaadiidkan hirgelay ayaa u baahan in mar walba la taageero, laguna dhiirigeliyo fikirkiisa.

 

Leave a Reply