Maxay tahay shimbirta lagu kala iibsaday 1.9 milyan oo doolar

0
739

Bilgium (Dawan) Nooc ka mid ah shimbirta qoolleyda loo yaqaan oo laga leeyahay dalka Belgium oo in muddo ah ka qeyb qaadan jirtay tartanka dhanka xawaaraha ee shimbiraha ayaa haatan gashay taariikh cusub kaddib markii lagu kala iibsaday ku dhawaad laba milyan oo doolar.

Shimbirtan oo ah jaad ka mid ah qoolleyda oo lagu magacaabo New Kim isla markaana ah dheddig laba jir ah ayaa markii hore xaraash loo keenay suuqa, waxaana xilligaasi lagu qiimeeyay ku dhaawad 240 doolar balse waxaa shalay iibsaday nin ka yimid dalka Shiinaha oo bixiyay lacagtaasi aadka u badan.

Kurt Van de Wouwer oo qoyskiisa uu lahaa shimbirtaasi ayaa sheegay in uu aad ula yaabay lacagta lagu kala iibsaday shimbirtaasi.

Shimbirtii ugu qiimaha badneynd abid ayaa saandkii 2019 waxaa lagu kala iibsaday ku dhawaad 1.5 milyan oo doolar.

Shimbirkaasi oo iyana ahayd jaad ka mid ah qoolleyda oo lagu magacaabi jiray Armando ayaa xilligaasi la iibinayay hawlgab ka noqday tartanka xawaaraha ee shimbiraha, waxaase la iibiyay sanadkii 2019, xilligaasi oo loo arkayay in ay gashay lacag aad u badan.

Qoolleydan lagu magacaabo New Kim ee 1.9 milyan oo doolar shalay lagu iibiyay ayaa saandkii 2018-ka ku guuleysatay dhawr tartan balse tan iyo xilligaasi kama aysan qeyb qaadan tartan kale.

Laba nin oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ku tartamay qoolleydan oo isku fallisay, taa ayaana ah sababta mid ka mid ah uu uga bixiyay 1.9 milyan oo doolar.

Ninka iibsaday qooleydan ayaa la sheegayaa in ay suurtagal tahay in uu doonayo in ay u taranto. Haseyeeshee shirkaddaa xaraashtay shimbirtan ayaa sheegtay in ay la yaab tahay in lacag sidaa u badan lagu kala iibsado shimbirtan.

“Waa beec aan marnaba la rumeysan karin sababtoo ah shimbirtani ayaa ah mid dhedig ah. Inta badan midda labka ah ayaa ka qiimo badan midda dheddigga ahi marka suuqa la keeno”, ayuu yiri Nikolaas Gyselbrecht oo ah madaxa shirkadda Pipa ee xaraashtay shimbirtan taariikhda gashay.

Dalka Belgium ayaa inta badan aad looga dhaqdaa qoolleyda gaar ahaan midda waa weyn ee dab-joogta u badan. Halka dalka Shiinahana haatan ay soo badanayaan dadka noocani ka midka ahi qoolleyda u adeegsada tartamada dhanka xawaaraha ee shimbiraha.

Leave a Reply