“Waxa naga Daacad ah in Somaliland aanu Garab Istaagno Waqtiga Adag” Ambassador Allen C. Lou

0
840

Hargeysa-(Dawan)-Safiirka safaarada Dalka Taiwan ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou ayaa sheegay in dawlad ahaan ay go’an tahay in ay garab istaagan Somaliland xilliyada adag, kana dhabeeyaan ballanqaadyadii ay hore u sameeyeen .

 

Ambassador Allen C. Lou oo ka hadlayey kulan lagu gorfanaayey adeega hooyada iyo dhallaanka ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah siinayaan adeegyada Caafimaadka .

 

“Waxa muhiim ah in aanu ka dhabayno  balanqaadyadii, aanu u samaynaya Somaliland , waxaanu daacad ka nahay in wakhtiyada adag aanu kala dabaalano Somaliland sida Caafimaadka” ayuu yidhi

 

Somaliland iyo Taiwan ayaa bilaabay mashruuc lagu taageerayo adeega hooyada iyo dhallaanka kaasi oo ay fulinayso ha’yadda horumarinta debadda ee dawladda Taiwan.

 

Mashruucan ayaa waxa ka wada shaqaynayaa cisbitaalada labada dawladdood oo kashanaaya wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo ha’yadda horumarinta debadda ee xukuumadda Taiwan.

Mashruucan ayaa wax ka bedelaaya adeeg bixinta hooyooyinkeenu ay ka helaan xanaanooyinka iyo Cisbitaalada Dawladda.

 

 

Leave a Reply