Xoola Dhaqato ka Cabanaya Daanyeer Raxan-raxan u Socda oo Weeraraya Xoolaha iyo Dadka

0
926

Laascaanood (Dawan) Xoola dhaqato ka soo hayaantay galbeedka gobolka Sool, oo daaqsin iyo biyo u doontay deegaano ku yaala dhanka koonfur bari ee isla gobolkaasi, ayaa ka cabanaya danyeer raxan raxan u socda oo weeraraya dadka iyo waliba xoolaha.

Daanyeerkani ayaa la sheegay in uu degaano kale uu hayaan uga yimid, iyada oo dadkan xoola dhaqatada ah degaanada ay ka soo guureen ee gobolka aanu ka di’in roobkii Dayrtu.

Sidoo kale Daanyeerkan ayay dadku sheegeen in uu gudaha u galayo guryaha isaga oo raashinka yaala, waxna qubaya inta kalena cunaya, degaanadan uu dadka ku weerarayo oo ay ka mid yihiin Dal-dhac iyo Gobley.

Dadkan xoola dhaqatada ah ee reer guuraaga ah ayaa degaanada uu roobka Dayrtu ku danbeeyay u naq raacday.

Maxamuud Yuusuf oo ka mida xoola dhaqatada reer guuraga ee uu daanyeerkani soo weeraray, islamarkaana uu mid ka mida carruurtiisa dhaawac u geystay ayaa yidhi. “Bahalkan Daanyeerku aadbu u halis badan yahay raxan raxan ayuu u socdaa, intaas oo kun oo xabbo ayaa ku soo galaya, adigaaga ninka weyna ayuu ku soo dhigayaana haddii aanad iska difaacin, laba jeer ayuu aniga i weeraray nin weyn ahaan uunbaan iskaga difaacay mooyaane, xilliyada uu sidan sameeyaana waa wakhtiyada abaaruhu dhacaan ee daaqa iyo biyuhuba yaraadaan, ee meelahan yar ee la isugu soo guuro la isugu yimaado, intiisa badana dhinaca Galbeed ayuu ka soo hayaamay, raggayaga waa weyn ayaa rasaas iyo wadhaf u adeegsada si aanu isaga difaacno.

Dhibaatada uu naggu hayo waxaa ka mida in uu noo ogolaan waayay in goobihii biyaha oo kale aanu ka cabno oo uu wasakheeyay, oo dadkii iyo xoolihiiba soo weerarayo, waxaa kale oo uu dhibaato ku hayaa carruurtii iyo haweenkii oo aanu xoolihii raacsan kari waynay, ama goobihii biyaha ay ka soo dhaamin kari waayeen, islamarkaana ay bannaankii u bixi kari waayeen.

Si xun ayuu wax u weeraraya dhibaato ba’an ayuu nagu hayaa, dadkii, carruurtii, xoolihii ciddnaba dhaafi maayo, meelin dhaweyd annaga oo guriga agtiisa joogna ayuu na soo weeraray, wiil yar oo saddex jira ayuu garabka ka dhaawacay, hadii aanan ka soo gaadhi laheyna waa uu cunilahaa”

Sidoo kale Daanyeerkan ayay dadku sheegeen in uu gudaha u galayo guryaha isaga oo raashinka yaala, waxna qubaya inta kalena cunaya, degaanadan uu dadka ku weerarayo oo ay ka mid yihiin Dal-dhac iyo Gobley. “Guryaha ayuu galaya oo raashinadii guryaha yaalay ayuu waxna cunayaa waxna qubayaa oo uu daadinayaa, biyihii aanu soo dhaansanay oo kale wuu qubayaa, weelkiina waa uu naga daldalooliyay, carruur kale oo uu dhaawacyo soo gaadhsiiyay ayaa iyaguna jira”

Leave a Reply