Laba Qof oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Degmada Sheekh

0
459

Hargeysa (Dawan)-Alle ha u naxariitee waxa shil Baabuur oo ka dhacay dawga degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ku geeriyooday laba qof, halka Sagaal qof oo kalena ay ka soo gaadheen dhaawacyo kala duwani.

 

Gaadhigan shilka galay oo ku gadoomay dawga Sheekh ayaa waxa lahayd shirkadda Basaska ee Safar-same,

 

saddex qof ayaa la dhigay Cisbitaalka degmada Sheekh si loogu dabeebo ugana helaan daryeel Caafimaad halka lixda kalena la dhigay Cisbitaalka magaalada Burco kuwaas oo la sheegay in xaaladdoodu culus tahay.

Leave a Reply