Dawladda Itoobiya oo ku dhawaaday in Ciidankeedu ku siqay caasimada Tigrayga

0
461

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay guulo militeri ka gaadheen waqooyiga Tigray halka ciidamada ay ku dhaw yihiin caasimadda Mekelle.

Maa sheegashadii u horaysay ee ka soo baxda Xukuumadda Abiy Axmed.
Hase yeeshee, Dagaalyahanada Tigray ayaa wada dagaal ay ku difaacaan magaalada Alamata oo dhawaan dowladda sheegtay inay la wareegtay.

Dadka ka qaxaya gobolkan ayaa weli kusii qulqulaya Suudaan, dad badan ayaa isaga qaxay Tigray in ka yar labo toddobaad oo uu dagaalku socday.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in “xaalad bina’aadanimo oo ballaadhan ay ku soo fool leedahay Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shaley sheegay in howlgalka milateri ee ka soconaya gobolka Tigray uu galay wajigiisii ugu dambeeyay.
Waxa uu sheegay in uu dhamaaday wakhtigii fursada la siiyey in ay isa soo dhiibaan Ciidanka hubaysan ee Tigray.

Dhanka kale madaxweynaha gobolka Tigray ayaa madaxda caalamka iyo kuwa Afrikaba ugu baaqay inay cambaareeyaan dagaalka uu ku eedeeyay inay soo qaadday dowladda federaalka.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ku eedeeyay xoggaga Tigray inay xasuuq ka geysteen gobolka, eedeymahaas oo ay beeniyeenTPLF.

Guddida xuquuqul insaanka Itoobiya waxay sheegeen in koox gaar ah u dirayaan gobolka si ay usoo baaraan dilalka ka dhacay halkaas.
Dhinaca kale, wararka ka imanaya Deegaamo kamida Gobolka Shucuubta Koonfureed ee dalkaasi, ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay halkaasi, kaasoo u dhexeeya qoomiyadaha halkaas wada dega.
Wararka ayaa sheegaya in dad badan lagu laayey dagaalkaasi.

Leave a Reply