Gobolka Saraar oo lagu soo dhaweeyey Kooxdii Koobka Orodka qaaday

0
346

Magaalada Caynabo waxa Salaasadii shalay si weyn loogu soo dhaweeyey Ciyaaryahanadii tartaanka orodka uga qaybgalay gobolka Saraar oo ku guulaystay Koobka.

Tartanka Ciyaaraha gobolada Somaliland, ayaa waxa la soo gabagabeeyey Isniintii todobaadkan, iyadoo Koobka kubbada cagta uu qaaday Daad-madheedh.

Koobka Orodka ayaa isagana waxa ku guulaystay gobolka Saraar.

Ciyaaryahanada ka qaybgalay ee guusha koobka gaadhay, ayaa waxa lagu qaabiley duleedka Magaalada Caynabo, iyadoo lagu wareejiyey gudaha magaalada dhexdeeda.

Waxaana markii dambe munaasibad loogu qabtay goob fagaare ah, halkaasoo ay maamulka gobolka iyo degmadu kala hadleen dadweynaha.
Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply