Halista Dawooyinka Dhirta Ah!

0
721

Hu Willin waxa uu ahaa oday Shiine ah oo goob cilaaj ah ka furtay magaalada Miyanatag ee dalka China, waxa uu dadka ku dawayn jiray dhiro kala duwan.  Sandkii 1980 ayaa la xidhay iyadooo lagu eedeyay tuugo. Mudadii uu jeelka ku jiray ayuu sameeyay fikrado cusub. Sanadkii 1993 ayuu jeelka ku sameeyay tababar noocyada dhirta iyo sida la isugu daweeyo.

1997 oo jeelka laga sii daayay waxa uu markiiba dib u furtay xarunta Cilaajka dawaynta dhirta gobolka shanty isagoon haba yaraate haysan rukhsad caafimaad oo dawladu bixisay. Sanadkii 1999 ayaa la xidhay markii dad badan oo cabanaya ay u sheegeen dawladda inuu siiyay dhir uu dawo ugu sheegay oo ay u dhinteen dad eheladooda ah.

Baadhis la sameeyay waxa la ogaaday in dad gaadhaya 150 qof oo uu siiyay dhiro kala duwan oo aan ku haboonayan ay dhamaantood u dhinteen isticmaalka dhirtaasi.

Odayga Hu ma lahayn aqoon caafimaad isla markaana muu haysan rukhsad.  Maxkamadda ayaa ku xukuntay sanadkii 2000 xadhig 15 sano xadhig ah iyo ganaax lacag ah oo aad u badan, Dadka u dhinta sababo daawooyin laga siiyo goobo aan aqoon caafimaad lahayn ayaa wakhtigan ku si badanaya dunida aqoonta caafimaadku ku liidato.

 

Leave a Reply