Wefti Ka socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Gaadhay Boorama

0
496

Borama (Dawan) Wafti heer deegaan ah oo uu hor-kacayay  wasiirka xafiiska maalgalinta iyo qurbajoogta DDSI, mudane Cabdisalaan Yuusuf, islamarkaana ay wehelinayeenn wasiirka xafiiska xeer ilaalinta guud ee DDSI, mudane Cabdiweli Jaamac Ibraahimn, guddoomiyaha gobolka Faafan Cabdixakiin Sheekh Xasan, iyo masuuliyiin kale ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Duleedka magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ku soo dhaweeyay masuuliyiin u ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Awdal mudane Maxamed Axmed  Caalin Tiinbaro.

Waxaa weftigan ka socday deegaanka Soomaalida ayaa ujeedada socdaalku uu salka ku hayaa ka qayb galka kulan lagaga hadlayo wada shaqaynta amniga gobolada Faafan iyo DDSI iyo gobolka Awdal.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in toddobaadkan waftiyo kala duwan oo ka socda DDSI, ay safaro kala duwan ku kala tageen gobolada dariska la ah degaanka Soomaalida, iyaga oo kulamo kala duwan oo lagaga hadlayay iskaashiga dhanka nabadgelyada iyo adkaynta xidhiidhka walaltino ee bulshada ka dhaxeeya.

Leave a Reply