Madaxweyne ku-xigeenkii Hore oo Tacsi Diray

0
460

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid, Xasan Ciise Jaamac, ayaa dhambaal tacsi ah u diray waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland garaadada ee ay ka baxeen ALLE ha u naxariiste marxuumiinta kala ah Cumar Carte Qaalib, Dr. Aadan Yuusuf Abokor iyo Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Suldaan Indha-case).

Mujaahid Xasan Ciise waxa uu marxuumiintan ku sifeeyey tiirar muhiima ahaa oo ka baxay Qaranka Somaliland, iyaga oo kaalin muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa aas-aasayaashii seeska u dhigay ururada bulshada Somaliland.

Leave a Reply