Wasiir Amar Ku Bixiyay Arrin Argagax Badan

0
650

Uganda (Dawan)- Booliiska dalka Uganda ayaa xaq u leh inay toogtaan dibadbaxayaasha haddii “ay gaadhaan heer rabshado ay ku kacaan”, waxaa sidaasi sheegay wasiirka amniga Elly Tumwine.

Isku dhaca booliiska iyo dibadbaxayasaah ayaa ka dhashay ka dib markii ay booliiska xidheen musharax madaxweyne Bobi Wine oo sidoo kale ah fanaan caan ka ah dalka Uganda.

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay dibaxani ka socday dalka Uganda tan iyo Arbacadii.

 

Bobi Wine ayay booliiska Uganda ku eedeeyeen in uu jabiyay xeerarka lagu xakameynayo faafida feyriska Corona ka dib markii u ka qeyb galay isu soo bax uu musharaxnimadiisa ugu ololeynayay.

Balse hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa waxay sheegayaan in dacwadaha lagu soo oogay ay yihiin kuwa looga gol leeyahya in lagu cadaadiyo mucaaradka ka hor doorashada guud ee lagu wado in Uganda ay ka dhacdo bisha January.

Fanaankan oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Robert Kyagulanyi, ayaa ka mid ah 11 musharax oo shaaciyay inay doorashada kula tartami doonaan madaxwayne Yoweri Museveni, oo xilka dalkaasi hayay tan iyo 1986.

Fanaankan ayaa imika xabsiga looga siidaayay damaanad ka dib markii Jimcihii la horkeenay maxkamad.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply