Xafladda Dib u furista Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka JSL

0
452

Haegeysa (Dawan) Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo la filayo in dhammaadka bishan dib uga bilaabanto dalka.

Munaasibadii lagu dib loogu furayey diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, Xukuumadda iyo ururrada bulshada.

Diiwaan gelinta ayaa ujeeddadeedu tahay sidii ay isu diiwaan gelin lahaayeen dadkii aan hore isu diiwaan gelin, kuwa imika gaadhay wakhtigii ay qaadan lahaayeen kaadhadhka diiwaan gelinta iyo kuwa Kaadhadhku ka lumeen amma laba jeer wax ka badan si diiwaan geliyey ee kaadhku ka xumaaday

Wejiga 1aad ee dib u furista diiwaangelintuna wuxuu 29-ka Nov. 2020 ka bilaabmayaa guud ahaa, gobolka Awdal, degmada Sallaxley, degmada Balligubadle iyo degmada Gabiley

Leave a Reply