Cisbitaalka Mahdi oo lagu soo Kordhiyay Qayb Cusub oo Takhasuus u ah Caloosha iyo Beerka + Sawiro

0
526

Hargeysa (Dawan) Dr. Cabdiqani Cismaan Xaaji Yuusuf oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ahna dhakhtar takhasuus muddo sannado ah ugu maqna dalka dibadiisa, gaar ahaan waddanka UK, ayaa muddadaasi ku  diyaariyay shahaadooyin caafimaad oo kala duwan, islamarkaana gaar u ah xannuunada uur ku jirta, gaar ahaana caloosha iyo beerka.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo ka qabsoontay xarunta cisbitaalka Carruurta ee Dr. Mahdi, islamarkaana loogu fooladaynaayay  qaybtan cusub ee adeeg bixinta xannuunada uur ku jirta, sida xannuunka Jooniska, waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Maxamed Muuse Diiriye, guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha, Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, .

Ugu horeyn waxaa uu Dr. Cabdiqani masuuliyiintii ka soo qayb galay xadhig jarka qaybta cusub ee cisbitaalka Dr. Mahdi uu ku soo kordhiyay, uu mid mid u tusay agabkaasi iyo adeegyada ay bulshada u qaban doonaan, isaga oo sheegay in ay baahi weyn u qabeen helitaanka agabkani casriga ah, laguna baadhi doono xannuunada uur ku jirta “Waxaa aan si gaara takhasuus dheerada ugu leeyahay, sida casriga ah ee caloosha iyo midhicirka loogu baadho, aalada kamarada (Endoscopy) iyo sidoo kale daaweynta iyo baadhitaanka xannuunada beerka oo dhan, gaar ahaan xannuunada (Hepatitics B iyo Hepatitics C, baadhitaanaada neefta afka ka soo baxda taasi oo laga ogaan karo, in ay Bakteeriyo kui fara badatay caloosha iyo mindhicirada, taasina ay keeni karto calool xannuun, calool buufis iyo xasilooni la’aan, in qofku xasasaasi ku yahay cunooyinka caloosha qasa, sida Lactose.

Sidoo kale waxaa aanu bulshada ka baadhi doonaa, xannuunada khatarta ah ee caloosha, beerka iyo xubnaha dheefshiidka oo dhan, sida ka soo baxa iyo kansarada ku dhaca xubnaha dheef-shiidka”

“Qalabka aanu keenay waa qalab waddankeena anfici doona haddii ILLAAHEY yidhaahana aanu rajeynayno in baahida dhanka caafimaad wax badan ka tari doono”Ayuu yidhi Dr. Cabdiqani.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo goobtaas hadal ka jeediyay ayaa qiray ahmiyada qalabkan iyo Dr. Cabdiqani  u leeyihiin  waddanka, islamarkaanab wax ILLAAHEY loogu mahad naqo in ay tahay in aqoontii uu bartay Dhakhtarkani dalkiisi hooyo kula soo laabto, wax badana ay ka tari doonto, waxyaabaha ugu badan ee ay bulshadeenu ka cabato.”Waxyaabaha uu sida gaarka ah ugu takhasuusay waxaa ka mida uur-ku-jirta, markaan arkay khibradiisa iyo aqoontiisa waxaa ii caddaatay in uu yahay dhakhtar looga baahan yahay waddanka”

Wasiirka wsasaararadd cwarfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in uu yahay qofka koobaad ee iska diwaangelin doona xaruntan caafimaad, kadib markii uu ku qancay adeeg bixinta caafimaad ee Dhakhtarkani bixin doono.”Waxaa aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in tano kale ay keentay nabadgeliyadu, wada noola’aanshaha horumarka, dhakhtarku iskumu soo aamineen isaga oo aqoonta noocaasi ah leh haddii aanay nabadgelyo dalka ka jirin.

Qalabkii uu na tusay markaan arkay waan ku qancay, markii horese waxaa aan islahaa dibada aad aadiid ee saaka markii uu qalabka I tusay, waxooga ayaan kelyaha iyo caloosha aan ka cabanayay balse saaka waan ku qancay in aan dhakhtarka iska xaadiriyo, bulshadana waxaan kula taliyaana dhakhaatiirta kuwan oo kale ah in la aamino”

Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha mudane Cabdikariin Axmed Maxamed Xinifb ayaa sheegay in in waxaa ugu badan ee bulshada Somaliland, ka cabata ay tahay xannuunada ku dhaca uur ku jirta, islamarkaana uu noqon doono qofka labaad ee iska diwaangelin doona, xaruntani khaaska u ah baadhitaanka xannuunada kala duwan ee uur ku jirta ku dhaca “Ciddkasta oo wax ka cabanaysa waxa ugu weyn ee ay ka cabanaysa waa uurku-jirta, meelkale oo ay ka cabata waa ay iska yar tahay, nin khibarad iyo aqoon u leh hawsha uu bulshada u qabanayo oo aan isku keen tijaabineyn ayaa inala jooga sida aan warka ku hayo, sida wasiir Saleebaan sheegay dadka ana uur-ku-jirta ka cawda ayaan ka mid ahay, qofka labaad ee iska diwaangeliya cisbitaalkan ayaan ka mid noqon doonaa haddii ILLAAHEY yidhaaho”

 

Leave a Reply