Roobab Lagu qabowsaday oo ka da’ay deegaano ka Tirsan Gobolka Saaxil

0
504

Berber-(Dawan)-Degmada Mandheera ee gobolka Saaxil ayey ka da’een roobab ay ku diirsadeen bulshada degmadaasi.

Sida uu ku soo waramayo wariye Sacad Muuse Ibraahin oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama degmadaas, galinkii subaxdii hore ee saaka ayey roobab xoogani ka bilaameen degmada Mandheera iyo deegaannada hoosyimaada qaarkood, roobabkaasi oo ay ku diirsadeen bulshada degmadaasi, ilaa hada wax khasaare ah oo roobabkaas ka dhasay ma jiraan.

Hay’adda udiyaargarawga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka ayaa maalmihii u dambeeyey ka digeysay roobab duufaano wata oo ku soo waajahan gobollada qaarkood, bulshada deegaannaadaasna ka codsatay in ay ka fogaadaan meelaha jeex-jeexyada iyo biyo mareenada ah.

Leave a Reply