Hoggaamiyaha Tigraay oo qirtay inay dowladda ka qabsatay magaalooyin

0
269

Hoggaamiyaha TPLF ee mas’uulka ka ah maamulka deegaanka Tigraay Dr Debretsion Gebremichael wuxuu qirtay in magaalooyin laga qabsaday, balse wuxuu beeniyey sheegashada dowladda ee ah iney ciidamadiisa guul darro wajahayaan.

Debretsion wuxuu si cad uu ugu gacan seydhay baaqi Ra’isal wasaare Abiy Axmed ee ahaa inay ilaa iyo Arbacada ugu dambeyn xoogagga TPLF dowladda iisu soo dhiibaan.

Hoggaamiyaha TPLF waxaa kale uu sheegay shacabkiisu iney diyaar u yihiin iney u dhintaan difaacidda xuquuqda ay u leeyihiin iney deegaankooda iyagu maamulaan.

Iyadoo ay weli jirin ilo madax bannaan oo xaqiijinaya xogaha rasmiga ah ee ku saabsan dagaalka socda, haddana labada dhinac uu dagaalka dhex marayo waxay warbaahinnadoodu ka baahiyaan dacaayado dagaalka salka ku haya.

In kabadan 40,000 oo qof oo dagaalkaasi ka qaxay ayaa gaadhay dalka Suudaan ee Itoobiya deriska la ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dagaalkaasi ka soo qaxayna waxay sheegeen iney ka soo carareen duqeymaha, toogashada iyo mindiya dadka lagu beegsanayo.

Leave a Reply