Trump oo isku diyaarinaya uu xilka ku wareejiyo Biden

0
289

Washitoon (Dawan)- Madaxweynaha laga guuleystay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa bilaabay hannaan uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub ee dalkaas Joe Biden, laakiin Trump ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono dacwadiisa dhinaca sharciga.

Madaxweyne Trump ayaa faray hay’adda dusha kala soconeysa xil wareejinta in ay sameyso waxa loo baahan yahay in la sameeyo, taasoo ka dhiggan in madaxweynuhu aqbalay in la bilaabo hannaankii uu xilka kula wareegi lahaa Biden.

Arrinkan waxaa siwayn u soo dhaweeyay taageerayaasha madaxweyne Joe Biden oo Trump kaga guuleystay doorashadii dhawayd ee dalkaasi ka dhacday.

Go’aanka Trump uu gaadhay  ayaa u sahleysay hay’addaha dowladda  in ay si rasmi ah u billaabaan marxaladda xil wareejinta labada madaxweyne, kan la doortay iyo kan laga guuleystay.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa uu wajahayay Donald Trump cadaadis uga imanaya xitaa qaar ka mid ah saaxiibadiisa Xisbiga oo kula taliyay in uu aqbalo natiijada doorashada, balse wali kama uusan tanaasulin mowqifkiisii dhinaca sharciga ee ahaa in ay jirto wax is daba-marin lagu sameeyay doorashada.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply