Shir Lagaga Doodayo Aqoonsi Raadinta Somaliland oo ka Furmay Koonfur Afrika

0
358

Johannesburg-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa ka qaybgalay shir lagaga hadlayo qadiyada madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii ay aqoonsi buuxa uga heli lahayd Waddamada dunida .

 

Shirka oo ka soconaayey labadii maalimood ee ugu danbeeyey magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay ka qayb galay siyaasiyiin miisaan culus ku leh Koonfur Afrika oo ay ku jiraan wasiiro.

 

Wasiir Sacad Cali Shire oo madasha hadal ka jeediyey ayaa soo bandhigay qadiyada Somaliland ee ictiraaf raadinta iyo xaqiiqda ah inay ilaashatay nabada isla markaana buuxisay dhammaan shuruudaha qaranimo iyada oo dhawaan noqon doonta marinka ugu weyn ee ganacsiga iyo dhaqaalaha qaarada, waxanu iftiimiyey ahmiyada ay Somaliland u leedahay gobolka.

 

Dr Sacad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay “ waxa halkan (Johannesburg) lahu qabtay shir lagu taageerayo qarannimada iyo madaxbanaanida Somaliland , waxana kasoo qayb galay xoogaga horumarka oo uu ugu xisbiga Shuuciga ah iyo xisbiga ANC.” .

 

Shirka ayaa la filayaa in uu soo dhammaado maanta oo ay kasoo baxan qodob muhiim u ah qaddiyada aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana soo qabanqaabiyey danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Ilo wareedyo ayaa Wargeyska Dawan u sheegay in shir dabagal ah lagu ballamay magaalada Hargeysa bisha December.

Leave a Reply