Berbera: Roob 13-saacadood Da’ayay oo Sababay Koranto la’aan

0
380

Berbera (Dawan) Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxaa ka da’ayay roob 13-saacadood qaatay, kaas oo sababay in magaaladu bila laydh noqoto.

Magaalo Xeebeedyada Laydhku nolosha ayuu ka mid yahay, sababta oo ah waa dad kalluumeysato ah una baahan 24-saacadood laydh aan marnaba  go’ayn, si kalluunkii talaagahadaha ku jiray aanu u xumaanin.

Xaafadaha Daaroole iyo Barwaaqo oo u badan dhismayaashi hore ee qadiimiga ahaa dadka waa laga daad gureeyay.

Illaa hadda inta la og yahay waa guri dumay oo aanay ciddi waxba ku noqon.

Wixii warar ah ee ka soo kordha, halkan kala soco.

Leave a Reply