Duufaanta GATI: Roobab waxyeello ka geystay Xeebaha gobolka Sanaag

0
600

Wararka ka imanaya Deegaamada Xeebaha Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in roobab laxaadle oo halkaasi ka da’ayey saacadihii la soo dhaafay waxyeello geysteen.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa ku waramay in khasaaraha badan ee roobku geystay ay tahay gaadiidkii dhinaca Badda oo waxyeello gaadhay, Xoollo ku dhintay iyo waliba guryo dumay meelaha qaar.

Degmada Xiis oo dhacda Xeebta gobolka Sanaag iyo jiidda la wadaagga Xeebaha ayaa la sheegay in roobku ka da’yey in ka badan konton saacadood.

“Gaadiidkii badda waxyeello ayaa gaadhay oo iyagaa ugu daran, guryo dumay way jiraan, waddooyinkii oo dhan waa burbureen, dhinaca Buuralaydana xoollo dhintay ayaa laga soo sheegayaa”ayuu yidhi  Cumar Xaaji Faarax oo kamida Odayaasha Deegaanka Xiis.

Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay dadweynaha uga digtay in ay ka durkaan, taxadirna ka yeeshaan dhulka Xeebaha ah roobab dufaano wata oo ku soo wajahan “Digniinaha waanu maqalnay”ayuu raaciyey Cumar.

Waxa uu sheegay in Roobku bilowgii aanay dabeylo lahayn, hase yeeshee xalay ay dabeylo weheliyeen “Ma jiraan ilaa iminka dad dhibaato nafeed ka soo gaadhay, laakiinse way jiraan dad dhaxani haysay oo xamili waayey Qabowga roobka oo jiifaa”ayuu raaciyey.

Duufaanta Gati oo laga digayey maalmihii la soo dhaafay, ayaa waxa ay ku dhufatay Xeebaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.
Xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha banii’aadanimada ayaa sheegay in 42,000 qof ay ka qaxeen duufaantii roobabka iyo dabeylaha wadatay ee dhawaan ku dhufatay xeebaha Puntland.
Ha’yaddda waxay sheegtay in duufaanta Gati ay khasaare ka geysatay gobolka xilli ay xidhmeen waddooyinka taasina ay adkeysay in gargaar la gaadhsiiyo dad ay saameeyeen fatahaadaha.
Xafiiska wuxuu sheegay in maamulka Puntland uu ku qiyaasay 180,000 qof inay saameysay duufaanta.
Roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay magaalada Boosaaso ayaa waxay saamayn ku yeesheen isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo sida oo kale nolosha caadiga ah ee dadka deggan magaaladaas.

Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan Xeebaha Bariga Somaliland, ayaa laga dareemay isbedel xagga Cimilada todobaadtankii saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo dawladduna ay ka digtay halista ka iman karta saameynta duufaanta GATI.

Leave a Reply