Masuuliyiin Booqday Dadkii Dhaawacyadu ka soo Gaadheen Rabshadihii Dhawaan ka Dhacay Hargeysa Stadiom

0
433

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo xubno ka yihiin, agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile, iyo wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Badde, agaasimaha guud wasaaradda homarinta caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye, badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodijeex, Khadar Baaruud, xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa Axmed Yoonis Aadan Juxo, iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan ayaa booqday qaar ka mida dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay rabshadihii dhawaan ka dhacay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium, islamarkaana lagu daweynayo cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Xubnaha masuuliyiinta ah ee xukuumadda ka socday ayaa mid mid u booqday shaqsiyaadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay shaqaaqadaasi oo lagu dabiibayo cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxayna ay indhahooda ku arkeen dadaalka ay  hawl wadeenada cisbitaalku ugu jiraan badbaadinta muwaadiniintaasi waxyeelada kala duwani ka soo gaadhay rabshadihii dhacay.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cali Bille, ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa masuuliyiinta wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo kuwa cisbitaalka iyo dhakhaatiirta dhibaayaasha gacanta ku haysaba ku bogaadiyay dedaalka ay ugu jiraan badbaadinta dadkooda waxyeeladu gaadhay, oo intooda ugu badani dhaawacyadii ka bogsadeen kana baxeen cisbitaalka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa sharaxay xaalada dadkaasi waxyeeladu ka soo gaadhay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday garoonka Hargeysa Stadiom iyo adeegyada loo qabtay intooda cisbitaalka ku jirta “Waxaanu eegaynaa dhawaacyadii ka dhashay rabshadihii ka dhacay garoonka, tiro ahaan inta cisbitaalka la  keenay waxaa ay ahaayeen afar iyo labaatan qof, afar qof oo isla habbeenkiiba loo sameeyay qaliin oo lagu guuleystay, intii kale waa laga saaraya waxaana loo fuliyay adeegyo dhakhso ah oo hufan”

Sidoo kale waxaa ay xubnahan masuuliyiinta ahi kormeer ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee cisbitaalka guud ee magaalada  Hargeysa oo lagu kordhiyay waadhadhka iyo dhismayaal casri ah, kuwaas oo lagu qalabeeyay agab casri ah oo loogu talo galay bukaanada waadhadhkaasi la dhigayo”

 

Leave a Reply