Suudaan oo la Ciirciiraysa Qaxootiga ka soo Barakacay Dagaalka ka socda Gobolka Tigrayga

0
533

Sudan (Dawan) In ka badan 40,000 oo qof ayaa ka soo qulqulay xadka u dhexeeya Tigray iyo bariga Suudaan tan iyo bishii Nofeembar 7, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay maalintii salaasadii.

Suudaan lafteedu waxay raadineysaa inay dib u dhisto dhaqaalaheeda burbursan ka dib qalalaasihii ka dhacay gobolka Daarfuur iyo afgembigii Cumar Al-Bashiir ee sannadkii hore, mana haysato ilo dhaqaale oo ay ku daboosho baahidooda aasaasiga ah.

“Suudaan ma awoodi doonto inay maamusho oo ay maalgeliso jawaabta musiibadan oo keliya,”Ayuu yidhi Alsir Khalid, oo ah guddoomiyaha gargaarka Suudaan ee gobolka bariga Kassala.

“Waxaan ka codsaneynaa beesha caalamka inay gacan ka siiso Suudaan maadaama ay xuduudeeda u furan tahay dadka Tigray.”.

Leave a Reply