Xisbiga WADDANI oo Abaal marin Guddoonsiiyay Ciyaartoy iyo Tababare

0
539

Hargeysa (Dawan) Xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Yuusuf Nuux Tadhase, ayaa abaal marin ay soo dirtay guddoomiyaha garabka haweenka xisbiga WADDANI, ee Qaarada Yurub guddoonsiiyay labadii ciyaartooy ee gool dhalista qaaday, iyo tababarihii ugu wanaagsana ciyaarihii gobolada ee sannadkan.

Munaasibad lagu qabtay xarunta xisbiga WADDANI, ee magaalada Hargeysa ayaa xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga WADDANI, Yuusuf Nuux Tadhase abaalmarino ku guddoonsiiyay labadii ciyaartoy ee gool dhalintya qaaday Axmed Carabo iyo Bashiir Bashka oo ub kala ciyaarayaya gobolada Daadmadheedh iyo Xaysimo iyo tababarihii xulka gobolka Daadhmadheedh Maxamuud Diridhaba.

Sidoo kale guddoomiyaha garabka haweenka xisbiga WADDANI ee Qaarada Yurub Farduus Cismaan Hamashool, ayaa hore ugu balanqaaday in abaalmarin guddoonsiin doonto ciyaartoyga ugu goolasha bata iyo ciyaarihii gobolada sannadkan ee ka qabsoomay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadiom.

Leave a Reply