Xildhibaan ka Hadlay Marxuumad lagu Dilay Gobolka Saraar

0
387

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo ka mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay dil loo geystay ALLE ha u naxariistee marxuumad  Hodan Siciid Aadan oo gacan ku xaqdarani ku dishay  degaanka Ceelal oo ka tirsan gobolka Saraar.

Ibraahim Axmed Raygal oo warbaahinta la hadlay ayaa u soo jeediyay xukuumaddu in sharciga la mariyo dadkii ka danbeeyay dilkaasi.

Xildhibaanka oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa aan u arkaa arrin aad u fool xun, waxaan tacsi u diraya qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday Marxuumad Hodan Siciid Aadan, oo gacan ka xaqdarani ay ku dishay maydkeedii oo geed hoostii la dhigay”

Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal, oo ka mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland/xuquuqda sawirka wargeysyada Dawan

Leave a Reply