Guddida Gacanta Ku Haysa Dhismaha Jidka Waddo Bariis Oo Ka Warbixiyey Halka Ay Marayso

0
523

Hargeysa-(Dawan)-Guddida gacanta ku haysa dhismaha wadada Wado bariis ayaa ka warbixiyey safar shaqo oo ay ku tageen goobaha ay ka socoto dhismaha wadadaasi.

Gudoomiyaha guddida gacanta ku haysa dhismaha wadada wado bariis Maxamuud Jaamac Quule, wuxuu sheegay in goobaha ay wadadaasi ka socoto bulshada ku dhaqan ay la qaateen kulano ku saabsan sidii loo xoojin lahaa shaqada dhismaha wadadaas, taas oo muhiimad u leh isu socodka bulshada ku nool degaanadaasi, isla markaana horseedi doonta inuu horumar ka hana qaado degaanada ay mari doonto.

Geesta kale guddida gacanta ku haysa dhisamaha wadadaasi waxay kulano la yeesheen ganacsatada ku nool degaannada ay wadaasi mari doonto, kuwaas oo hore u ballanqaaday qaadhaano ay kaga qayb-qaadan doonaan dhismaha wadadaas.

Ugu danbeyn Maxamuud Jaamac Quule ayaa soo jeediyay in laga qayb-qaato dhismaha wadadaas, waxaanu ganacsatada iyo cidkasta oo wax ku tari karta dhisamaha wadadaas ku dhiiri geliyay inay ka kaalintooda ka qaataan dhismaha wadadaas oo uu sheegay inay hadda meel fiican marayso.

Leave a Reply